Wararka

UNSOM Oo Dib U Soo Celinaysa Xiriirka DFS, Kadib Cayrintii Ergaygii Hore ee QM.

0 Visits: 12 | Thursday May 23, 2019 - 13:49:34
Ku-xigeenka Hawlgalka QM ee Taageeradda Somalia (UNSOM),Raisedon Zenenga waxa u uxalay u sheegay Golaha Ammaanka ee QM inay dib u soo celinayaan Xiriirkii ay la lahaayeen DFS, kadib, markii ay DFS horey u cayrisay Ergaygii Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia.

Read More »

Nin Doonayay isku Qarxiyo Munaasabad Ay Lahaayeen Ahlusuna oo La Qabtay -Sawirro

0 Visits: 16 | Thursday May 23, 2019 - 13:37:35
Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay Maanta ka hortageen,isla markaana ay fashiliyeen Nin isku-soo xiray waxyaabaha qarxa kaas oo doonayay in uu isiu qarxiyo goob ay ku sugnaayeen Madax ka tirsan Maamulkaas oo ku taalla degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Read More »

Kenya oo Ka Walaacsan in Ciidankeeda Jooga Kismaayo Lagu Bedelo Ciidamo Kale oo Ka Socda Dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

0 Visits: 19 | Thursday May 23, 2019 - 13:24:34
Waxaa meel xun maraya xiisada siyaasadeed ee xiligan u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana arimahan sabab looga dhigayaa damaca Kenya ee ku aadan in dowlada Soomaaliya ka tanaasusho dacwada muranka Badda ee labada wadan u dhaxeeya.

Read More »

Xukuumada Soomaaliya oo Ka Hadashay Gantaal Lagu Riday Magaalada Makka Al-Mukarama.

0 Visits: 19 | Thursday May 23, 2019 - 13:19:47
War Saxaafadeed kooban oo kasoo baxay Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay Gantaal la sheegay in lagu riday dhinaca magaalada Barakeesan ee Makka Al Mukarama ee Boqortooyada Sacuudiga.

Read More »

Dowladda Britain oo Ku Baaqday in La Soo Magacaabo Wakiilka QM ee Soomaaliya.

0 Visits: 21 | Thursday May 23, 2019 - 13:15:26
Wakiilka joogtada ah ee Dowladda Uk u jooga Qaramada Midoobay Danjire Karen Pierce ayaa dalbatay in si deg deg ah loo soo Magacaabo Wakiilka QM ee Soomaaliya ,xilli ay ka hadleysay kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen Arrimaha dalka Soomaaliya.

Read More »

Dhoolatus Millateri oo Maanta Laga Sameeyay Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Galgaduud -Sawirro

0 Visits: 23 | Thursday May 23, 2019 - 13:10:40
Degmooyinka Guriceel & Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa Maanta dhoolatus Millateri ka sameeyay Ciidamada Maamulkii Gobolada Dhexe ee Ahlusunna balse haatan ku biiray Maamulka Galmudug.

Read More »

Xildhibaanada oo Ka Wal Walsan Halista uga imaan Karta Baraha Koontarool ee Muqdisho Yaala.

0 Visits: 21 | Thursday May 23, 2019 - 13:08:54
Waxaa shalay bar koontarool oo ciidamada amaanka ku leeyihiin magaalada Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo sababay geerida dad badan oo isugu jira shacab, ciidan iyo masuuliyiin.

Read More »

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo La Kulmay Masuuliyiin Ka Tirsan Somaliland.

0 Visits: 14 | Thursday May 23, 2019 - 12:59:59
Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland.

Read More »

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Xuseen Ceelaabe Faahiye.

0 Visits: 25 | Wednesday May 22, 2019 - 19:31:48
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Saciid Xaaji Maxmuud Faarax , Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda…

Read More »

Puntland iyo Galmudug oo Ka Horyimid Sharciyada Batroolka iyo Doorashooyinka Federaalka -Sawirro

0 Visits: 21 | Wednesday May 22, 2019 - 17:13:28
Shir dhowr saacadood qaatay oo ay xarunta madaxtooyada Puntland ee Galkacayo ku yeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed xooga saaray wadashaqaynta labada maamul ee amniga iyo xasiloonida magaaladda Galkacayo.

Read More »

Kulankii Golaha Shacabka Maanta oo Baaqday iyo Xildhibaanada oo Fasax Galay.

0 Visits: 23 | Wednesday May 22, 2019 - 17:07:29
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 22/5/2019 waxaa lagu waday inay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho,hayeeshee kulankii uu baaqday.

Read More »

Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada Gaalkacayo Ku Qaabilay Madaxweynaha Galmudug -Sawirro

0 Visits: 24 | Wednesday May 22, 2019 - 16:56:16
Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Read More »

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo War Ka Soo Saartay Go'aankii Kenya -Akhriso

0 Visits: 35 | Wednesday May 22, 2019 - 16:50:35
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa walaac looga muujiyay go'aankii dowlada Kenya Fiisaha ugu diiday Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya.

Read More »

Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya oo Ku Dhintay Qaraxii Muqdisho.

0 Visits: 27 | Wednesday May 22, 2019 - 16:01:51
Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.

Read More »

Boqortooyada Sacuudiga oo Xukun Dil Ah Ku Fulinaysa Sadex Wadaad oo Caan Ah.

0 Visits: 27 | Wednesday May 22, 2019 - 13:35:13
Dowlada Sacuudiga ayaa qorsheeneysa in Xukun dil ah ku fuliso sadex wadaad oo caan ka ah dalkaasi ,wadaadan ayaa dowlada ku eedeesay in ay ku lug leeyihiin falal la xariira argagaxisinimo.

Read More »

Dowlada Soomaaliya oo War Ka Soo Saartay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho.

0 Visits: 18 | Wednesday May 22, 2019 - 13:24:16
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qarax goordhaw ka dhacay barkoontarool oo kuyaala agagaarka Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.

Read More »

Sargaalad Katirsaneyd Milatariga Soomaaliya iyo Seygeeda oo Ku Dhintay Qaraxii Muqdisho.

0 Visits: 23 | Wednesday May 22, 2019 - 13:18:43
Qaraxii maanta ka dhacay barkoontarool oo ciidanka Nabad sugida ku leeyihiin agagaarka Xabsigii hore ee Godka Jilacoow ayaa waxaa ka dhashay khsaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray saraakiil, ciidan iyo dad shacab ah.

Read More »

Faah Faahin Ka Soo Baxaya Qarax ismiidaamin Ahaa oo Ka Dhacay Muqdisho.

0 Visits: 27 | Wednesday May 22, 2019 - 13:11:22
Warar horudhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in khasaare kala duwan uu geystay qarax xooggan ee ka dhacay Koontaroolka Ciidamada NISA ku leeyihiin agagaarka taalada Daljirka Dahsoon iyo Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere.

Read More »

Maxkamad Xukun Ku Riday Sargaal Sare oo Katirsanaa Milatarigii Hore ee Soomaaliya.

0 Visits: 26 | Wednesday May 22, 2019 - 13:01:29
Sarkaal horey uga tirsanaa Ciidamadii Millatariga ee Xukumaddii Maxamed Siyaad Barre oo maalmahan ay maxkamadi uga socotay Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa Xeer-beegti qaadeysay dacwaddiisa ay ku heleen mid ka mid ah laba eedeymood oo loo heystay.

Read More »

Dowladda oo Ka Hadashay Talaabooyinka iyo Xaaladaha Ka Soo Cusboonaaday Arrimaha Kenya.

0 Visits: 26 | Tuesday May 21, 2019 - 18:32:13
Agaasimaha guud ee hay'adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadam Koofi, ayaa ka hadlay xiisada cusub ee dhinaca diblomaasiyada ee ka socota dowladda Kenya, taasoo ka dhan ah mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Read More »