Madaxweynaha dowladda puntland oo hishiis kama dambays ah la gaaray shirkada dhisaysa garoonka diyaaradaha ee bosaso.

0
Sunday August 10, 2014 - 17:03:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha dowladda puntland oo hishiis kama dambays ah la gaaray shirkada dhisaysa garoonka diyaaradaha ee bosaso.

    Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta hishiis ugu dambayn la gaaray shirkada CCECC ee ku guulaysatay dhismaha garoonka diyaaraddaha ee magaalada Bosaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta hishiis ugu dambayn la gaaray shirkada CCECC ee ku guulaysatay dhismaha garoonka diyaaraddaha ee magaalada Bosaso. Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa hishiiska kahor kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay saraakiisha ka socotay shirkadaan iyo xafiiska UNOPS , kuwaas oo ay kawada hadleen hishiiska dhismaha garoonka.
Kulanka kadib ayaa shir jiraa’id oo saxaafada loo qabtay wuxuu madaxweynuhu sheegay inay kalsooni buuxda ku qabaan shirkadaan dhisaysa garoonka, Isagoo sheegay inay u arkaan mid kasoo bixi karta waajiabadka loo igmaday.
" Waa shirkad aan ku kalsoonaan karno sancadeeda iyo waxa ay Airporka ka qabandoonaan. Waxaa kale oo muhiim inoo ahayd qalabkeeda oo yaala Jibuuti oo aysan dhib ku ahayn inay islamarkiiba usoo guuraan Soomaaliya. Waxaas oo dhan markaan eegnay iyo qiimaha aan ugu talo galnay dhismaha garoonka CCECC waxay noqotay shirkada noogu muhiimsan ee howshana noo qaban karta,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Wuxuu madaxweynuhu ugu bishaareeyay dadka reer Puntland inay sanadka dambe ku duulidoonaan, kunasoo dagidoonaan garoon diyaaradeed oo caalami ah oo laga hirgaliyo Bosaso ee xarunta gobolka Bari..
Madaxa hay’addaCCECC(China Civil engineering co-operation company) Juan Li oo shirka jiraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay si wanaagsan ugasoo bixidoonaan dhismaha garoonka diyaaradaha Basaso oo ay qandaraas ku qaateen.Wuxuuna sheegay haatan inay wadamada Jibuti iyo Itoobiya ka wadaan dib u dhiska garoomo diyaaradeed.
" Waxaan muddo bil ah halkaan ku keenidoonaa qaar kamid ah shaqaalaheena iyo qalabkeena si aan shaqada u bilowno. Waxana haysanaa kalsooni buuxda oo la xiriirta awoodeena, qibradeena Afrika. Waxaan. shacabka reer Puntland u sameyndoonaa garoon diyaaradeed tayo leh. Waxaan kaloo mustaqbalka dhow rajeynaaa mashaariic intaan kabadan. waxaan rabnaa inaan walaalowno dadka reer Puntland, " ayuu yiri Juan Li.
Madaxda hay’adda UNOPS uqaabilsan Kenya ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay goob joog ka ahaadaan hishiiskaan dhexmaray dowladda Puntland iyo shirkada CCECC. Wuxuuna sheegay inay halkaan u yimaadeen hubinta tayada mashruucaan iyo inuu yahay mid wanaagsan.
Shirkada CCECC ayaa ah shirkadii ku guulaystay qandaraaska dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso, waxayna tartan kula jirtay shirkado badan oo caalami ahaa oo utartamayay booskaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip