Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koofurgalbeed oo La Ansixiyay.

0
Wednesday March 25, 2020 - 15:00:52 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 43
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koofurgalbeed oo La Ansixiyay.

    Kulankii ugu horeeyey oo ay Maanta Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku yeesheen Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Guddiga diyaarinta doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii ugu horeeyey oo ay Maanta Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku yeesheen Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Guddiga diyaarinta doorashada Guddoonka Baarlamaanka.


Guddiga oo ka kooban 15 Xubnood ayaa dhamaantood waxaa laga soo xulay Xildhibaannada Koonfur Galbeed waxaana ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Xildhibaannada koonfur Galbeed ee Maanta Shirka yeeshay.

Guddiga la Magacaabey ee doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa laga sugayaa diyaarinta doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo iclaaminta waqtiga rasmiga ah oo ay dhaceyso.

Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Koonfur Gabeed ayaa maalmo kahor la dhaariyay, waxaana horyaalla shaqooyin badan oo laga doonayo inay qabtaan oo ay ugu horreeyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Hoos Ka Akhriso Magacyada guddiga Guddoonka Baarlamaanka koonfur Galbeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip