Bangiga Hormarinta Afrika oo Gabi Ahaanba Deyntii Ka Wada Cafiyey Soomaaliya.

0
Wednesday March 25, 2020 - 14:35:35 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangiga Hormarinta Afrika oo Gabi Ahaanba Deyntii Ka Wada Cafiyey Soomaaliya.

    Bangiga Hormarinta Afrika (AFDB) ayaa 122.55 Milyan oo doolar oo aheyd deyn uu kulahaa Soomaaliya ka saamaxay, kadib markii ay lacagtaas bixiyeen Boqortooyada Ingriiska iyo wadamada ku bahoobay Midowaga Yurub, sida lagu cadeeyey warsaxaafadeed kasoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bangiga Hormarinta Afrika (AFDB) ayaa 122.55 Milyan oo doolar oo aheyd deyn uu kulahaa Soomaaliya ka saamaxay, kadib markii ay lacagtaas bixiyeen Boqortooyada Ingriiska iyo wadamada ku bahoobay Midowaga Yurub, sida lagu cadeeyey warsaxaafadeed kasoo baxay Bangiga Afirka oo lagu sheegay inay astaan u tahay dhamaadka cunaqabateynta iyo bilaabashada wadashaqeynta Bangiga Hormarinta Afrika iyo Soomaaliya.


Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Bankiga horumarinta Afrika uu cafiyey deyntii Soomaaliya uu ku lahaa, kadib dadaal dheer oo dowladda ay ku sameysay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.

"Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, isla markaana aan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa dadaal dheer kadib in Bangiga horumarinta Afika uu cafiyay deyntii Soomaaliya uu kulahaa, sida ka muuqata Warbixinta uu soo saaray”

"Warbixinta AFDB waxa ay cadeyneysaa isbadalka muuqda ee aan ka sameynay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka” ayuu yiri wasiirka Maaliyadda.

Wasiir Beyle ayaa xusay in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii wado dadaalka ay ugu jirto isbadalka horumarineed ee dhanka Maaliyadda dalka.

"Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalka isbadal ee horumar ka Maaliyadda Soomaaliya, Waxa aan u mahadcelinayaa saaxibadeena caalamka, si gaar ah UK iyo EU oo garab buuxa nagu siiyay in deyntaan uu naga cafiyo Bangiga horumarinta Afika” ayuu yiri wasiir beyle.

Akinwumi Adesina Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda taariikhdaan leedahay, waxaana uu muujiyey sida ugu faraxsanyahay doorka hogaaminta ee uu qaatay Bangiga Hormarinta Afrika si deynta looga cafiyo Soomaaliya, taas oo ku tilmaamy mid ka turjumeysa awoodda iskaashiga iyo wadashqeynta joogtada ah.

"Waxaan amaanayaa dadaalada dowladda Soomaliya ee dib u habeynta, dowladda Ingriiska iyo dowladaha Midowaga Yurub ee bixiyey Deyntii Bangiga Hormarinta Afrika kulahaa Soomaaliya,intaas oo wadajirah, waxay sidaas u sameenayeen waa dadka Soomaaliyeed dartood” sidaas waxaa yiri Akinwumi.

War saxaafadeedka kasoo baxay Bangiga Hormarinta Afrika (AFDB) ayaa lagu xusay siyaasad cusub oo dhanka howlaha ee kuwajahan Soomaaliya iyo sida uu gacan uga geysan karo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta hormarka Soomaaliya.

Sidoo kale Bangiga ayaa hadda ka caawiya Soomaaliya dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Beeraha, Biyaha, Nadaafadda, gadiidka, tamarta, arrimaha bulshada iyo dhisidda awoodda wax looga qabanyo dhincyo badan oo dhaqaalaha, taas oo ay ku baxeyso lacag dhan 135 Milyan oo dolar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip