Wasiirka Amniga oo Beeniyay Wararka Sheegaya in Ciidamo La Dul Dhigay Hoyga Sheekh Shariif.

0
Tuesday March 24, 2020 - 16:44:03 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga oo Beeniyay Wararka Sheegaya in Ciidamo La Dul Dhigay Hoyga Sheekh Shariif.

    Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo dul-dhigtey Hoyga Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo dul-dhigtey Hoyga Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.


Wasiir Amniga oo la kulmey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin Ciidamo weerar ku ah Sheekh Shariif,isla markaana ay warkaasi wadaan dad u jeedo gaar ah leh oo fidno iyo colaad abuurayo sida uu hadalka u dhigey.

Qoraal uu Wasiir Islow soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka mudan yahay ixtiraam, isla markaana aysan jirin Ciidan dowladeed oo weerar ku ah.

"Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam. Waxaan caddeynayaa inay wararkaasi yihiin been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur"ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Sidoo kale wasiir Ducaale waxaa uu ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro.

"Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro”ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Hadalkaan beeninta ah ee kasoo yeeray Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa yimid,kadib markii Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraalo ay bartooda Facebook soo dhigeen waxay kaga digeen Ciidamo ay sheegeen in la dul dejiyay agagaarka Guriga Sheekh Shariif, si gaar ah waxay u sheegeen in cawaaqib xumada ka dhalata arrintaas uu mas’uuliyadeeda qaadayo Madaxweyne Farmaajo.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay warar sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan nawaaxiga hoyga uu ka degan yahay Muqdisho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, waxaana wararkan noqdeen kuwo loogu hadal heyn badnaa magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip