Dowladda Soomaaliya oo Gubtay Qaad Si Qarsoodi Ah Looga Soo Dejiyay Garoonka Aadan Cadde -Sawirro

0
Tuesday March 24, 2020 - 16:38:06 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo Gubtay Qaad Si Qarsoodi Ah Looga Soo Dejiyay Garoonka Aadan Cadde -Sawirro

    Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu gubay jaad si qarsoodi ah la doonayay in lagu soo galiyo magaalada, waxaana jaadkan qabtay ciidamada amaanka ee jooga garoonka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu gubay jaad si qarsoodi ah la doonayay in lagu soo galiyo magaalada, waxaana jaadkan qabtay ciidamada amaanka ee jooga garoonka.


Jaadkan lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qariyay diyaarado kasoo degay garoonka Aadan Cadde ,waxaana diyaaradahan la sheegay in ay ahaayeen kuwa ka faa’iideesanayay fasaxii KMG ahaa ee dowlada u sameesay diyaaradaha qaar.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Xukuumada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay inay ku guuleysteen in gacanta lagu dhigo Qaadka oo si sharci daro ah dalka loo soo galinayay.

Wasiir Oomaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Qaadkan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Adan Cadde, iyadoo lagu soo dhex qariyay duulimaadyadii labada maalin ee ka soo degtay garoonka, mudadii ay dowladda fasaxday duulimaadyada Caalamiga ah.

Mr. Oomaar ayaa sheegay iney gubeen qaadkan, isagoo tilmaamay in labada maalin ay duulimaadyada u fasaxeen oo kaliya in lagu soo qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa garoomada Caalamka, taasi wixii ka soo harana aysan aqbaleynin ka Xukuumad ahaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday iney joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray dalka, waxaana haatan shaqeeya oo kaliya diyaaradaha aada ama ka yimaada gobolada dalka.

Sababta ugu weyn ee arrimahan dhalisay ayaa ah ka hor taga faafitaanka cudurka safmareenka ah ee Carona Virus, waxaana dalalka uu saameeyay ka mid ah Soomaaliya oo Wasiirkeeda Caafimaad ay sheegtay in laga helay hal Kiis oo ah nin ka yimid dalka Shiinaha oo ah halka uu xanuunkan ka soo bilowday.

Jaadkan maanta lagu gubay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaan dowladu sheegin halka laga keenay, waxaana talaabadan jaadka lagu gubay kusoo aadeysaa xili dowlada joojisay diyaaradihii jaadka keeni jiray Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip