Axmed Xaaf oo Lagu Qal Qaalinayo Ka Qeyb Galka Caleemo Saarka Madaxweyne Qoor Qoor.

0
Tuesday March 24, 2020 - 14:22:57 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Xaaf oo Lagu Qal Qaalinayo Ka Qeyb Galka Caleemo Saarka Madaxweyne Qoor Qoor.

    Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ayaa la filayaa in lagu qabto caleemo saarka Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye waxaana socota qaban qaabada munaasabadaasi inkastoo dib u dhac ku yimid waqtigii la qorsheeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ayaa la filayaa in lagu qabto caleemo saarka Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye waxaana socota qaban qaabada munaasabadaasi inkastoo dib u dhac ku yimid waqtigii la qorsheeyay.


Munaasabada Caleemo saarka oo dib loo dhigay waqtigii loo qorsheeyay Caronavirus owgiis ayaa hada waxaa socda dadaalo lagu doonayo sidii loogu qancin lahaa Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf in uu kasoo qeyb galo.

Gudoomiyaha guddiga qaban qaabada xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug Yuusuf Garaad Cumar oo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf.

Xaaf iyo Yuusuf Garaad ayaa kawada hadlay arimo badan oon warbaahinta loo soo bandhigin, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in wadahadalka qeyb ka aheyd sidii Madaxweyne Xaaf uga soo qeyb gali lahaa caleemo saarka una wareejin lahaa xilka.

Yuusuf Garaad ayaa qoraal kooban uu uu bartiisa soo dhigay ku sheegay inuu sallaan ugu tagay hoygiisa Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf,

"Gurigiisa Gaalkacyo ayaa salaan ugu tegey Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, Sheekooyin dhinacyo badan oo aan isla soo qaadnay ayaa isugu jiray dhacdooyin hore, kuwo hadda taagan, mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaanba siyaasadda dalka, xushmad weyn iyo qaddarin ayuu ka mudan yahay Galmudug, Federaal iyo Soomaali oo dhan”ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Maamulka Galmudug ayaana horey u sheegay in wadahadal la yeesheen Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf ayna la galeen heshiis aan saxaafada loo soo bandhigin, lamana oga waxa uu soo kordhin karo kulanka Xaaf iyo Yuusuf Garaad dhax maray.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf oo saldhig ka dhigtay Koonfurta Gaalkacyo ayaa horey u diiday doorashadii uu Qoor Qoor kusoo baxay, waxa uuna Xaaf wali aaminsan yahay in uu yahay Madaxweynaha saxda ah ee Galmudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip