Soomaaliya oo Cadeesay Mowqifkeeda Ku Aadan Khilaafka Dowladaha Itoobiya iyo Masar.

0
Monday March 23, 2020 - 14:37:58 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo Cadeesay Mowqifkeeda Ku Aadan Khilaafka Dowladaha Itoobiya iyo Masar.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeesay ka hadley khilaafka ka dhashay biyo xireenka ay dowlada Itoobiya dhiseyso ee khilaafka ka dhax abuuray Dowladaha Itoobiya iyo Masar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeesay ka hadley khilaafka ka dhashay biyo xireenka ay dowlada Itoobiya dhiseyso ee khilaafka ka dhax abuuray Dowladaha Itoobiya iyo Masar.


Waxaa uu sheegay wasiir Cawad in Soomaaliya ay dhex dhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya labada dowladood ee Masar iyo itoobiya, waxa uuna meesha ka saaray in Soomaaliya ay labada dhinac mid la safan tahay.

"Runtii mowqifka Soomaaliya ee khilaafka dowladaha Itoobiya iyo Masar waa dhex dhexaadnimo,xaqiiqdii fursada kaliya ee inoo furan waxaa waaye inay isku soo dhaweyno ama aan ka aamusno balse marnaba Soomaaliya looma yeerin doono go’aankeeda ayuu yiri” Wasiir Cawad.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay in Soomaaliya ay saxiixday taageero Wadamada Carabta u muujiyeen dowlada Masar, waxa uuna cadeeyay in Soomaaliya ay arintaasi dhax dhaxaad ka tahay.

Dowlada Soomaaliya oo xiriir dhaw la leh dowladaha Itoobiya iyo Masar ayey ku adkaatay in dhinac la safato, waxaana Madaxda Soomaaliya go’aansadeen in khilaafkan dhax dhaxaad ka noqdaan si aysan saameyn xun ugu yeelan.

Inkastoo Wasiirka uu beeniyay in Soomaaliya u codeysay qaraarkii Masar horgeysay Jaamacadda Carabta ee mowqifkeeda wabiga Nile, haddana shirkii Jaamacadda Carabta waxaa Soomaaliya u fadhiyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda, kaasoo la sheegay inuu taageeray mowqifka Masar.

Khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ee wabiga Nile ayaa ahaa mid saameyn ku yeeshay dalalka Geeska Afrika, iyadoo Masar ay bilowday olole diblomaasiyadeed oo ay taageero ugu raadineyso mowqifkeeda wabiga Nile ee ay Itoobiya ka sameysatay biyo xireenka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip