Mid Ka Mid Ah Safaaradaha Soomaaliya Ku Leedahay Caalamka oo Shaqooyinka Hakisey.

0
Monday March 23, 2020 - 14:33:16 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 35
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Ka Mid Ah Safaaradaha Soomaaliya Ku Leedahay Caalamka oo Shaqooyinka Hakisey.

    Safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Hindiya ayaa shaacisay in shaqadii ay heesay si KMG ah u hakisay waxaana hakinta shaqada safaarada sabab looga dhigay caabuqa Caronavirus oo ku faafaya dalka Hindiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Hindiya ayaa shaacisay in shaqadii ay heesay si KMG ah u hakisay waxaana hakinta shaqada safaarada sabab looga dhigay caabuqa Caronavirus oo ku faafaya dalka Hindiya.


War kooban oo kasoo baxay safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Hindiya ayaa lagu sheegay in safaarada ay hakisay shaqadii ay heesay kadib amar kasoo baxay dowlada Hindiya oo looga hortagayo in uu gudaha dalkaasi ku faafo Caronavirus.

Safaradda ayaa sheegtay in ay u hogaansami doonto amarada dowlada ay martida u yihiin  ee Hindiya si looga hortago xakamaynta caabuqa waxa ayna safaarada sheegtay in dadka Soomaaliyeed la wadaagi doono wixii soo kordha muddada ay Safaaradu xiran tahay.

Dhanka kale Soomaalida ku dhaqan dalka Hindiya iyo kuwa u yimaada Caafimaadka, ganacsiga iyo Waxbarashada ayaa waxa saameeyay xanuunka corno virus oo kiisas badan ka mid ah ay ka jiraan dalka hindiya, guud ma jiraan goobaha Waxbarashada arday aada, ganacsatada joogta hadda dalka kama bixi karaan, sidoo kale dadka Soomaaliyed ee haysta fiisooyinka dal ku galka hindiya hadda ma soo gali karaan dalka, qarkood waxa ay ku xayiran yihiin dalka Kenya oo ah halka dadka ugu badan ay ka qatan Fisaha.

Sidoo kale dad degan Magaalooyinka kala duwan waxa ay qaarkood sameeyeen ducooyin iyo Allabari oo Rabbi kaga baryayaan xanuunkaan saf marka ah in ay ka nabadgalaan, iyadoo dhanka dhaqdhaqaaqa waxa ay kala siman yihiin Shacabka Hindiya, waxayna qaarkood u sheegeen Warbaahinta in ay guryahooda ku nagaan doonaan inta ay ka arkayaan isbedal kale, madaama dalku uu galay xalad dag dag ah.

Caabuqa Caronavirus ayaa faro ba’an ku haya wadamo badan oo caalamka katirsan, Caabuqan ayaana keenay in ay joogsadaan duulimaadyo badan oo caalami ah sidoo kale la xiro goobaha waxbarashada , ciyaaradaha iyo sidoo kale goobaha dadku isugu yimaadaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip