Guddoonka Golaha Shacabka oo La Kulmay Guddiga Diyaarinta Xeerarka Sharciga Doorashooyinka.

0
Monday March 23, 2020 - 14:26:00 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoonka Golaha Shacabka oo La Kulmay Guddiga Diyaarinta Xeerarka Sharciga Doorashooyinka.

    Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/weli Ibraahim Sheekh Muudeey iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga diyaarinta xeerark sharciga doorashooyinka qaranka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/weli Ibraahim Sheekh Muudeey iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga diyaarinta xeerark sharciga doorashooyinka qaranka.


Guddigan oo dhowaan uu magacaabay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa ka kooban 17 xubnood, waxaana kulanka uu ahaa mid is xog-wareysi ah oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka.

Guddigan ayaa howsha laga sugayay ay tahay sidii ay u asteyn lahaayeen goobaha la geynayo kuraasta Xildhibaannada la soo dooranayo, qoondada haweenka, kuraasta Xildhibaannada ka soo galaya Somaliland iyo arrinta Gobolka Banaadir sidii ay xuquuq uga heli lahaayeen Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey oo shalay warbaahinta la hadashay ayaa soo dhaweysay Guddiga Diyaarinta Xeerarka Dhameystiraya Sharciga, kuwaasi oo ka kooban 17-xubnood.

Dhinaca kale Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa soo dhaweeysay ansixinta Sharciga Doorashooyinka oo kal horey ansixiyeen Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka, isla markaana uu saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliimo Yarey ayaa ugu baaqday Xildhibaannada labada Aqal in looga baahan yahay inay dedejiyaan sharciga axsaabta, si xisbiyada la diiwaan geliyay ay uga baxaan kumeel gaarnimada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip