Dowladda Iran oo Diiday Kaalmo Mareykanka Doonayay in uu ugu Yabooho iyo Sababta Keentay.

0
Monday March 23, 2020 - 14:08:42 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Iran oo Diiday Kaalmo Mareykanka Doonayay in uu ugu Yabooho iyo Sababta Keentay.

    Dowlada Iran ayaa diiday dalab uga yimid Mareykanka oo ku aadanaa in ay ugu deeqaan dhaqaale iyo daawooyin wax looga qabto caabuqa Caronavirus oo dad badan ku dilay Iran sidoo kale kusii faafaya dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Iran ayaa diiday dalab uga yimid Mareykanka oo ku aadanaa in ay ugu deeqaan dhaqaale iyo daawooyin wax looga qabto caabuqa Caronavirus oo dad badan ku dilay Iran sidoo kale kusii faafaya dalkaasi.


Hogaamiyaha Ruuxiga ee dalka Iran Ayatollah Cali Khamenei oo ka hadlay telefishinka Qaranka Iran ayaa sheegay in ay iska diideen kaalmo dhaqaale iyo daawooyin Mareykanka u sheegay in uu doonayo in uu ugu deeqo .

Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in Mareykanku yahay cadawga ugu xun oo Iran leedahay, waxa uuna sheegay in suurto gal tahay in Mareykanku wado shirqoolo uu ku doonayo in cudurka Caronavirus kusii faafiyo.

"Ma ogin in ay jirto eedeeyntan, balse ma jirto qofka maskaxdiisa ay caadi tahay oo aaminaya in ay daawo noo keenaan?Waxaa suuragal ah in daawadiina ay tahay qaab lagu fidinayo caabuqa coronavirus” ayuu yiri Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iran.

Saraakiisha kale ee reer Iiraan ayaa waxay dhankooda ku eedeeyeen Mareykanka in uu wado munaafuqnnimo marka uu kaalmo u ballanqaadayo Iiraan, iyada oo uu diidayo in uu cunaqabataynta ka qaado Iiraan.

Dalka Iran ayaa kamid ah wadamada uu sida xoogan u saameeyay caabuqa Caronavirus, waxaana cudurkaasi uu ku dhacay gudaha Iran dad ka badan 20-kun oo qof halka ay u dhinteen dad gaaraya  1,685.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip