Madaxweynaha Galmudug oo La Kulmay Xubno Ka Soo Horjeeday Doorashadii Galmudug -Sawirro

0
Sunday March 22, 2020 - 18:28:50 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Galmudug oo La Kulmay Xubno Ka Soo Horjeeday Doorashadii Galmudug -Sawirro

    Waxaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb xubno ka tirsan Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo horjeeday hannaankii Doorashada Galmudug ee Dowladda Federaalka garwadeenka ka aheyd ee lagu doortay Axmed Qoorqoor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb xubno ka tirsan Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo horjeeday hannaankii Doorashada Galmudug ee Dowladda Federaalka garwadeenka ka aheyd ee lagu doortay Axmed Qoorqoor.


Wadahadalo todobaadyadii u dambeeyay socday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo xubnaha Mucaaradka ayaa la isku afgartay in dib u dib heshiisiinta deegaanka laga shaqeeyo dhinacyada salluugsanaa hannaankii doorashada madal isugu yimaadaan, si looga gudbo caqabadaha jira, danta Galmudug laga shaqeeyo.

Wada hadaladaas ayaa ka dhashay in Guddi ka socda Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo jeeda Galmudug ay tagaan Dhuusamareeb waxaana ka mid ah Xildhibaan Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye. 

Waxaana Xildhibaannadan iyo Madaxweynaha Galmudug ka wada hadli doonaan dardar gelinta dib u heshiisiinta xalinta tabashooyinka ka dhashay Doorashada, si iyadoo loo dhan yahay Munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Galmudug looga qeyb galo.

Xildhibaannadan ayaa maanta Dhuusamareeb kula kulmay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, iyagoo kala hadlay sidii looga shaqeyn dib u heshiisiinta wixii tabasho ee ka dhashay doorashadana loo xalin lahaa.

Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa sheegay in u jeedka Dhuusamareeb ay u tageen ay tahay sidii loo dhameystiri lahaa wada-hadallo socdey oo ku saabsanaa xal ka gaarista khilaafka ka dhashay doorashada Galmudug iyo tabashadii ay ka qabeen.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in inta badan xal laga gaarey arrimihii jirey,isla markaana ay go’aansadeen inay u tanaaslaan Shacabka deegaannada Galmudug si horumar ballaaran loo gaarsiiyo deegaanka.

Image may contain: 5 people, people standing





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip