Taliska Booliska oo u Digay Ganacsatada iyo Ciidan Dharcad Ah oo La Dhigay Suuqyada Muqdisho.

0
Sunday March 22, 2020 - 17:05:05 in Wararka by
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Booliska oo u Digay Ganacsatada iyo Ciidan Dharcad Ah oo La Dhigay Suuqyada Muqdisho.

    Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ka digay in qiimaha maciishadda la kordhiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ka digay in qiimaha maciishadda la kordhiyo.


Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho Gen. Cabdullahi Xasan Bariise Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayuu Ganacsatada Soomaliyeed uga digay inay sare u qaadaan maciishada quutul-daruuriga ah, iyagoo ka faa’ideeysanaya dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka Corona Virus ee COVID 19.

Bariise ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono cidii ka dhega adeygta digniinta ay u direen.

Dhinaca kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamo Boolis dharcad ah ay geeyeen suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho si ay uga hortagaan ganacsatada sicir bararka abuureysa.

"Ganacsadihii lagu helo inuu sicir barar wado, xabsiga ayaan u taxaabeynaa, sharciga ayaana la tiigsan doonnaa” ayuu yiri Jen. Bariise.

Hadalaka Hogaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa wax badan u tari doonto Shacabka soomaaliyeed oo ka wal-walsan in lagu qaaliyeeyo maciishada qutul-daruuriga ah.

Hadalka ka soo baxay Hogaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa ku soo aaday xili habeen hore RW Somalia uu la kulmay madaxda rugta ganacsiga Soomaaliyeed isagoo uga digay in xiligan lagu jiro xaaladaha adag aysan quutul daruuriga ku qaaliyeyn shacabka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip