Guddi Wasiiro iyo Xildhibaano Ka Soo Jeeda Beelaha Hawiye oo Gaaray Magaalada Baydhabo.

0
Sunday March 22, 2020 - 14:47:11 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddi Wasiiro iyo Xildhibaano Ka Soo Jeeda Beelaha Hawiye oo Gaaray Magaalada Baydhabo.

    Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaaray Wasiiro iyo xildhibaano kasoo jeeda Beesha Hawiye kuwaa oo kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis Lafta Gareen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaaray Wasiiro iyo xildhibaano kasoo jeeda Beesha Hawiye kuwaa oo kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis Lafta Gareen.


Wafdigan ayaa ah Guddi ka kooban 13 xubnood oo habeen hore la magacaabay kaddib markii ay shir isugu yimaadeen Wasiirada iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Beelaha Hawiye ee cabashada ka keenay saamiga laga siiyay kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Wasiirada iyo Xildhibaanada Hawiye ee gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow waxaan wafdigiisa qeyb ka ah Xildhibaano isugu jira muxaafid iyo Mucaarad.

Wafdiga kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaana Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kala hadli doona saamiga beesha Hawiye ku laheyd Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo wax badan laga badelay hoosna loo dhigay.

Siyaasiyiinta Beesha Hawiye ayaana si weyn uga soo horjeestay qoondada laga siiyay Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Baydhabo, waxa ayna taasi keentay in Siyaasiyiinta Hawiye kulan deg deg ah yeeshaan.

Beesha Hawiye ayaa ku laheyd Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed 20-Xubnood , hasa ahaatee Baarlamaanka cusub ee Baydhabo looga dhawaaqay ayaa Beesha Hawiye laga siiyay 9-Xildhibaan kaliya.

Tan iyo markii lagu dhawaaqey liiska Xildhibaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa cabasho ay ka imaaneysay qaar kamid ah Beelaha Soomaaliyeed kuwaas oo sheegay in aan la siin Xubnihii ay ku lahaayeen Baarlamaanka Koonfur Galbeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip