Ciidamada Ammaanka oo Muqdisho Ka Sameeyay Howlgal Dad Lagu Soo Qab-qabtay -Sawirro

0
Sunday March 22, 2020 - 14:28:18 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Ammaanka oo Muqdisho Ka Sameeyay Howlgal Dad Lagu Soo Qab-qabtay -Sawirro

    Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xalay xaafado katirsan magaalada Muqdisho waxa ay ka sameeyeen howlgal gaar ah oo lagu qab qabtay dad lagu tuhmayo in ay qeyb ka yihiin falal amaan daro ee mararka qaar ka dhaca Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xalay xaafado katirsan magaalada Muqdisho waxa ay ka sameeyeen howlgal gaar ah oo lagu qab qabtay dad lagu tuhmayo in ay qeyb ka yihiin falal amaan daro ee mararka qaar ka dhaca Muqdisho.


Howlgalka ay ciidamada amaanka sameeyeen ayaa si gaar ah uga dhacay xaafado katirsan degmada Wadajir, waxa ayna ciidamada inta ay howlgalka ku jireen xireen qaar kamid ah wadooyinka iyagoo sidoo kale galayay xaafadaha.

Ciidamada booliiska ayaa dadkii ay soo qab qabteen isugu geeyay goob barxad ah, waxaana markii dambe la sii daayay inta badan dhalinyaradii howlgalka lagu qabtay iyadoona qaar la tuhmayo ciidamada horey usii kaxeesteen.

War kooban oo kasoo baxay Maamulka degmada Wadajir ayaa waxaa lagu shegay in dadka howlgalka lagu qabtey ay yihiin kuwo looga shakisan yahay inay ka qeyb qaateen falal amnidarro oo ka dhacay degmadaasi Wadajir.

Shalay Gelinkii hore ayaa Xarunta degmada Wadajir waxaa lagu qabtey kulan looga hadlayey Amniga Degmooyinka Qeybta Galbeed Gobolka Banaadir kas oo uu guddoomiyey Duqa Muqdisho Cumar Filish waxaana looga hadley dardargelinta qorshayaasha Amniga degmooyinkaas.

Howlgalada amaanka ee ciidamada ka fuliyaan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii aad u yaraa lamana oga in xiligan waxa kusoo beegay howlgaladan cusub ay ciidamada ka bilaabeen gudaha Muqdisho.

Si kastaba howlgalka ay xalay Waaxda Xalane ee degmada Wadajir ay ka sameeyeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Tira ahoobiyeyaal ah lagu weeraray Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip