Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Ku Qabtay Taliyihii Sirdoonka Al-Shabaab ee Gobolka Sh/hoose.

0
Sunday March 22, 2020 - 14:24:07 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Ku Qabtay Taliyihii Sirdoonka Al-Shabaab ee Gobolka Sh/hoose.

    Ka dib howlgalo amniga lagu xaqiijinayo oociidanka Xoogga dalka ka sameeyeen degaanka Janaale iyo nawaaxigiisa ayay ku soo qabteen taliyaha sirdoonka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Sh/hoose iyo labo nin oo ilaalo u ahaa sida ay sheegeen saraakiisha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib howlgalo amniga lagu xaqiijinayo oociidanka Xoogga dalka ka sameeyeen degaanka Janaale iyo nawaaxigiisa ayay ku soo qabteen taliyaha sirdoonka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Sh/hoose iyo labo nin oo ilaalo u ahaa sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya.


Ninkan ayaa lagu magacaabaa Xasan Suleyt magaciisa afgarashada ayaa loogu yeeraa (Xasan Ganey), iyadoo warkan lagu faafiyey warbaahinta Dowladda Federaalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogg Dalka S/Guuto Cabdixamiid Maxamed oo ku sugan degaanka Janaale ayaa sheegay sarkaalkan ay ciidanka xoogga dalka ka soo qabteen Janaale isagoo dhuumaaleysanaya kadib xog ay ka heleen dadka degaanka.

Taliyaha ayaa tilmaamay in haatan ay korortay wada shaqeeynta ciidanka iyo dadka degaanka taasoo buu yiri suuragalisay in cadawga laga helo xog badan lana soo qabto saraakiil iyo maleeshiyaad sida uu warka u dhigay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan warkan ka soo yeeray Taliska Ciidanka xoogga dalka ee ahaa in madaxii amniyaadka Gobolka Shabeellaha Hoose la qabtay.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka ay la wareegeen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib dagaal dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip