Xildhibaannadii Ka Qeyb Galay Shirkii Wadatashiga Puntland oo Eedeeyay Wasiiraddii Federaalka.

0
Sunday March 22, 2020 - 14:18:28 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 35
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannadii Ka Qeyb Galay Shirkii Wadatashiga Puntland oo Eedeeyay Wasiiraddii Federaalka.

    Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirkii wadatashiga ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe ayaa ka hor-yimid war saxaafadeedkii dhowaan ka soo baxay wasiiro ka tirsan Xukuumadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirkii wadatashiga ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe ayaa ka hor-yimid war saxaafadeedkii dhowaan ka soo baxay wasiiro ka tirsan Xukuumadda ee ay uga soo horjeesteen qodobadii laga soo saaray shirkii Wadatashiga Puntland.


Xildhibaannadan ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Garowe ayaa ku sheegay in aanay Wasiirada ku matalin war saxaafadeedka ka soo baxay, iyagoo xusay inuu ahaa qoraal looga soo yeeriyay Villa Somalia, iyagoo nasiiib darro ku tilmaamay in saddex maalin kaddib shirka ay soo saareen war saxaafadeed.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa sheegay in Wasiirada ay ka abaal dhaceen casuumaadii iyo maamuuskii loo sameeyay, war saxaafadeedkooda uu deel qaaf ku yahay ergooyinkii iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Waxaa kaloo Xildhibaannadan ay caddeeyeen in Wasiirada ay shirka ku lahaayeen qeyb muhiim ah qoraalkii iyo qaabeyntii war murtiyeedkii ka soo baxay, isla markaana fursad loo siiyay inay taladooda iyo fikirkooda ku darsadaan.

HOOS KA AKHRISO QORAAL AY SOO SAAREEN XILDHIBAANADA:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip