Dowladda Kenya oo Ka Jawaabtay Eedeyntii uga Timid Dowladda Soomaaliya.

0
Friday February 28, 2020 - 18:58:58 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo Ka Jawaabtay Eedeyntii uga Timid Dowladda Soomaaliya.

    War Saxaafadeed kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Kenya faragalin ka wado xadka ay wadaagaan labada dowladood gaar ahaan dhinaca Mandheera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Saxaafadeed kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Kenya faragalin ka wado xadka ay wadaagaan labada dowladood gaar ahaan dhinaca Mandheera.


Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowlada Kenya in  si deg deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanideeda dalka iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal.

Dowladda Kenya ayaa ka jawaabtay warqad shalay ka soo baxday Wasaarada Arrimaha Dibbada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ku eedeysay dowlada Kenya inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Afhayeenka dowlada Kenya Cyrus Oguna ayaa sheegay in haddii Soomaaliya ay dacwad qabto ay tahay inay soo mariso safaaradda Kenya ay ku leedahay Muqdisho.

"Kama hadli karno waxyaabaha ku qoran war saxaafadeedka, ilaa iyo haddana ma lahan wax naga soo gaaray Dowladda Soomaaliya, kamana hadli karno waxyabaaha ay ka warramayana warbahainta, marka wax dacwad ah oo naga soo gaaray Soomaaliya habayaraatee malahan,” ayuu yiri Oguna oo ay wareysatay idaacada Bbcda.

Cyrus Oguna ayaa beeniyey eedeymo loo soo jeediyay dowlada Kenya oo ah inay martigelisay qof baxsad ah ayna gudaha magaalada Mandhera ay ku sugan yihiin ciidamo Soomaali ah.

"Waxaan nahay dal uu sharciga ku shaqeeya, waxaanu ixtiraamnaa xeerarka caalamiga ah balse haddii ay jirto cid wax ka tabaneysa Dowladda Kenya waxaa jira wadiiqooyin loogu talo galay oo ay tahay in la maro oo lagu dacwoodo. Mana jirta sabab aanu u martigelino qof baxsad ah. Marka wax dacwad oo rasmi ah oo inaga soo gaartay safaaradeenna Muqdisho ma jirto, wana halkaas wadada ay tahay in la maro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan kasoo baxay dowlada Kenya ayaa kusoo aadaya xili xadka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan magaalada Mandheera ay abaabul dagaal ka wadaan ciidamo ka amar qaata Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ka baxsaday dowlada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowgii bishan ay dowelada Kenya ka dalbatay inay u soo gacan geliso Cabdirashiid Janan, oo ay sheegtay inuu 28-kii January kasoo baxsay xabsi lagu hayay tan iyo bishii August ee sanadkii hore.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip