Dagaal u Dhexeeya Ahlu Sunna iyo Ciidamada Dowladda oo Ka Dhacay Magaalada Guriceel.

0
Friday February 28, 2020 - 15:53:18 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal u Dhexeeya Ahlu Sunna iyo Ciidamada Dowladda oo Ka Dhacay Magaalada Guriceel.

    Dagaalo ayaa ka dhacay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kuwaasoo wararku sheegayaan iney dhexmareen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Ahlusunna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalo ayaa ka dhacay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kuwaasoo wararku sheegayaan iney dhexmareen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Ahlusunna


Dagaalkan oo sida muuqata daba dagaalo la mid ah oo ka socday Dhuusamareeb ayaa bilowday kadib markii duhurnimadii Maanta ay Saldhiga Booliska degmada ay xoog kula wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusunna

Hase ahaatee Ciidamo ka tirsan kuwa NISA ee Dowladda Soomalaiya oo ku sugnaa Guriceel waxay dagaal rogaal celi ah kula wareegeen Saldhiga iyo Guud ahaan degmada Guriceel, waxaana la sheegay inay isaga baxeen Ciidamadii ahlusunna.

Illaa labo ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen iska hor imaadka, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen' rasaasta la is weydaarsanayay ayaa waxaa ka dhashay khasaare, iyadoo uu dab qabsaday goob ganacsi ku dhoweyd Saldhigga oo rasaasta ku dhacday, waxaana la arkayay uuro ka baxayay goobta.

Xaalada degmada Guriceel ayaa ah mid degan, waxaana bartamaha magaalada iyo hareeraha saldhigga isugu soo baxay boqolaal dadweyne.

Maleeshiyadii Ahlusuna ee dagaalka soo qaaday ayaa la sheegay inay isaga baxeen xaafadaha, lagana cabsi qabo inay soo rogaal celiyaan.

Dhinaca kale xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa ah mid degan, waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah, ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlusuna ayaa wax horumar ah ka sameyn dagaalka, marka laga reebo in goobaha ay ku sugan yihiin ka ridayaan rasaas culus.

Xaalada magaalada Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa saacadihii u dambeeyay noqotay mid dagaal, kaddib maalmo ay jirtay xiisad labada dhinac ee isku haya maamulka magaalooyinkaas u dhaxeeyay, waxaana la ogeyn xiisada dagaal halka ay saldhigan doonto, qoraalo labada dhinac ka soo baxay ayaa waxay midba midka kale ku eedeeyeen inuu dagaalka mas’uul ka ahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip