War-Saxaafadeed Ka Soo Baxay Axmed Qoor Qoor oo Lagu Eedeeyay Hoggaanka Ahlu Sunna.

0
Friday February 28, 2020 - 14:06:35 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-Saxaafadeed Ka Soo Baxay Axmed Qoor Qoor oo Lagu Eedeeyay Hoggaanka Ahlu Sunna.

    War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa looga hadlay iska horimaad xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb iyadoo eedeyn loogu jeediyey hoggaanka Ahlusunna.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa looga hadlay iska horimaad xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb iyadoo eedeyn loogu jeediyey hoggaanka Ahlusunna.


Qoraalka ayaa lagu sheegay in gaari ciidan oo ay leeyihiin hoggaanka Ahlusnna uu rasaas ku furay Koontorool ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooq-qoor ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in wadaadada ku jira xarunta Inji ay weerar barer ah kusoo qaadeen ciidamada dowladda ee Koontaroolka ku leh Isbitaalka weyn ee magaalada.

Sidoo kale war saxaafeedka ayaa lagu sheegay in Xarunta Inji oo ay degan yihiin Hoggaanka Ahlusunna ay maalmahaan ka socdaan arrimo xaalad abuur ah.

Ugu dambeyntii qoraalka ayaa lagu yiri waxaana ugu baaqayaa Wadaadada ku jira Xarunta Inji in ay joojiyaan wax kasta oo keeni kara amni darro lagana fogaada xasilooni daro saamaysa deegaanka.

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip