Bankiga Adduunka oo 30-Sano Kadib Soo Celiyay Xiriirkii Kala Dhaxeeyay Dawladda Soomaaliya.

0
Friday February 28, 2020 - 13:57:56 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bankiga Adduunka oo 30-Sano Kadib Soo Celiyay Xiriirkii Kala Dhaxeeyay Dawladda Soomaaliya.

    Bankiga Adduunka ayaa shalay sheegay inay caadiyeeyeen xiriirkii ay dawladda Soomaaliya la lahayd Bankiga Adduunka 30 sano kadib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bankiga Adduunka ayaa shalay sheegay inay caadiyeeyeen xiriirkii ay dawladda Soomaaliya la lahayd Bankiga Adduunka 30 sano kadib.


Bankigu waxa uu sheegay inay tani ka dhigan tahay inay fursado u furto dawladda Soomaaliya, fursadahaas oo ay ka mid yihiin inay Soomaaliya hesho deeqaha uu bixiyo Bankiga Adduunka iyo inay wadashaqayn la lahaato dhammaan laamaha Bankiga Adduunka si ay usoo jiidato in Soomaaliya la maalgashado, gacanna looga gaysto degganaansnhaha iyo horumarka waddanka.

Soomaaliya ayaa ka rajo qabta in laga khafiifiyo inta badan daymaha lagu leeyahay iyadoo loo eegayo daymaha laga khafiifiyo waddamada faqiirka ah ee daymaha culus lagu leeyahay, barnaamijkaasi oo loo soo gaabiyo HIPIC.

Tallaabada Bankiga Adduunka ayaa timid 24 saac kadib markii hay’adda lacagta Adduunka IMF ay iyaduna sheegtay inay heshay yabooh ku filan inay hady’addu dhinaceeda daymaha ka khafiifiso Soomaaliya. IMF wxaay sheegtay inay yaboohaas oo dhan US$334 million ka heshay in ka badan 100 xubnood oo ku jira.

Bankiga Adduunku waxa uu sheegay in tallaabadan ay tahay mid muhiim ah. Waxa lagu sheegay war saxaafadeedka Bankiga Adduunka inay qayb ka soo qaateen sidii Soomaaliya looga caawin lahaa inay halkan soo gaarto taasi oo ay qayb ka ahayd lacag dhan $250 million oo deeqo hordhac ah ahaa si loo dedejiyo horumarka waddanku samaynayey ee dhinaca isbeddellada iyo bixinta adeegyo.

Baniga Adduunka waxa uu sheegay in Soomaaliya ka faa’iidaysan doonto dayn cafinta ay helayso marka la raaco daymaha laga khafiifiyo waddamada faqiirka ah ee daymaha culus lagu leeyahay. Daymaha la filayo in badankooda laga khafiifiyo Soomaaliya ayaa ah $5.3 bilyan oo doollar.

Go’aankan ayaa salka u dhigaya in maalgelin ay shacabka Soomaalyeed gaar ahaan fursado shaqo loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta soo wajahday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip