Ururka Ahlu Sunna oo Ku Eedeeyay Dowlada Federalka inay Colaad Ka Abuurayso Galmudug.

0
Friday February 28, 2020 - 13:53:36 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Ahlu Sunna oo Ku Eedeeyay Dowlada Federalka inay Colaad Ka Abuurayso Galmudug.

    Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlusunna ayaa ku eedeeyey dowlada Somalia iney Abaabul Dagaal ka wado mar kale magaalada Dhuusamareeb kaasoo lagu beegsanayo Madaxda Ahlusunna.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlusunna ayaa ku eedeeyey dowlada Somalia iney Abaabul Dagaal ka wado mar kale magaalada Dhuusamareeb kaasoo lagu beegsanayo Madaxda Ahlusunna.


War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa looga hadlay iska horimaad kooban oo xalay ka dhacay Dhuusamareeb kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada ee taageerasn madaxweyne Qoorqoor iyo kuwa ahlu suna.

"Ciidamada Dowladda waxay soo weerareen Xarunta Inji oo ay degan yihiin hoggaanka Ahlusunna, sidoo kale maalmahihii la soo dhaafay waxay wadeen xiisado keeni kara dagaal” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ahlu suna.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xaalada magaalada ay saaka tahay mid tahay inkastoo laga dareemayo xiisada ka dhalatay iska horimaadkii xalay dhacay, waxaana jira warar sheegaya in qoysaska qaar ay isaga barakaceen agagaarka xarumaha ahlu suna iyo dowlada, iyagoo ka cabsi qaba inuu saameeyo haddii uu dagaal qarxo.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA AHLU SUNA.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip