Maktabad Loogu Magac Daray Duqii Hore ee Muqdisho oo Xariga Laga Jaray -Sawirro

0
Thursday February 27, 2020 - 14:24:04 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maktabad Loogu Magac Daray Duqii Hore ee Muqdisho oo Xariga Laga Jaray -Sawirro

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga kajray Maktabad cusub oo laga hirgaliyay xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir si ay uga faa'ideystaan dhallinyarada Caasimadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga kajray Maktabad cusub oo laga hirgaliyay xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir si ay uga faa'ideystaan dhallinyarada Caasimadda.


Maktabaddan ayaa waxaa loogu magac daray guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii hore ee Magaalada Muqdisho allaha unaxariistee Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusaan (Yariisoow)

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa xariga ka jaray qeyb cusub oo laga hirgaliyay xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir kaas oo loogu talagalay in dhallinyarada gobolka Banadir ay ku bartaan cilmiga Computer-ka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxaa uu ka hadlay doorkiisa ku aadan fursadaha ay dhallinyarada mudan yihiin.

"Waxaad lamid tihiin caruurteyda wax ay caruurteyda iga mudan tahay ayeey sidoo kale dhallinyarada caasimadda kunool iga mudan yihiin hasa’ahaate waxaa loo baahan iney dhallinyarada gacmaha is qabsadaan oo ay kaalin muuqata ka geestaan Xasiloonida Caasimadda iyo nabadiidka meel loogu soo wada jeesto nabadiidka”

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in u jeedka Guddoomiyihii hore loogu magac daray Maktabaddan ay tahay in ay kor u qaadaan wax qabadkii Duqii hore iyo kaalintiisa Bulshada Gobolka Banaadir.

Hore ayaa loogu magac daray garoonka kubbada cagta ee la oran jirey Koonis Stadium duqii hore ee Muqdisho Inj Yariisow.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip