Wasiir Beyle "Dib u Habeynta Hay'adaheenna Amniga Ayaa innoo Sahashay Guusha Wadajirka Ah"

0
Wednesday February 26, 2020 - 17:14:52 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Beyle "Dib u Habeynta Hay'adaheenna Amniga Ayaa innoo Sahashay Guusha Wadajirka Ah"

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil ka tirsan ciidanka, waxeyna ka wada hadleen dib u habeyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil ka tirsan ciidanka, waxeyna ka wada hadleen dib u habeynta lagu sameeyay ciidamada.


Wasiir Beyle ayaa sheegay in ciidamada ay u kordhiyeen lacag gaareysa 70 doolar laga bilaabo bisha Janaayo ee Sannadkaan 2020-ka.

"Dib-u-habeynta hey’adeheena amniga ayaa inoo sahashay guusha wadajirka ah ee heer gobol & heer Dowladeed ayuu yiri Wasiir Beyle.

"Guushaan dib-u-habeynta ah waxaa wehliya koror dhan $70 oo ah mushaarka Ciidanka oo aan bilownay bixinteeda laga bilaabo January 2020 Ciidamadeenu waa kuwa aad ugu qalma qadarin iyo taageero joogta ah in aan la garab istaagno”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Alle uga baryay ciidamada Qaranka ee naftooda u huray difaaca dalka dadka iyo diinta inuu ku guuleeyo howlaha Qaranka ay u hayaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip