Maamulka Hir-Shabeelle oo Cadeeyey Mowqifkiisa Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee La Ansixiyey.

0
Tuesday February 25, 2020 - 14:46:27 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Hir-Shabeelle oo Cadeeyey Mowqifkiisa Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee La Ansixiyey.

    Madaxweyne kuxigeen Dowlad Goboleed Hirshabeele ahna Kusimaha Madaxweynaha Cali Cabdullahi Xusseen ( Guud laawe)ayaa cadeeyey mowqifkooda ku saabsan doorashada soo socota oo Madaxda Dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay noqoneyso mid qof iyo Cod ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne kuxigeen Dowlad Goboleed Hirshabeele ahna Kusimaha Madaxweynaha Cali Cabdullahi Xusseen ( Guud laawe)ayaa cadeeyey mowqifkooda ku saabsan doorashada soo socota oo Madaxda Dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay noqoneyso mid qof iyo Cod ah.


Cali guudlaawe waxaa uu xusay in ay taageerayaan,isla markaana raali ka yihiin howlaha uu hayo Gudiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo kulamo wacyi gelin doorashoyinka ah ka wada Dowlad Goboleedyada ka jira dalka.

Sidioo kale waxa uu cadeeyay in Dowlad Goboleedka Hirshabeele ay taageersan tahay sharciga doorashooyinka oo dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka dowlada federalku meel mariyeen isla markaana Madaxweynuhuna saxiixay.

Hayeeshee waxaa xusid mudan Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo uu khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya ayaa dhaliileen kana soo horjeesteen Sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay ansixiyeen labada Gole ee Dowladda sidoo kalena uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne kuxigeen Dowlad Goboleed Hirshabeele ahna Kusimaha Madaxweynaha Cali Cabdullahi Xusseen ( Guudlaawe) waxaa uu ka sheegay kulan looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip