Danjire James Swan oo Golaha Ammaanka uga Warbixiyay Xaalada Dalka Soomaaliya.

0
Tuesday February 25, 2020 - 14:38:26 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjire James Swan oo Golaha Ammaanka uga Warbixiyay Xaalada Dalka Soomaaliya.

    Kulan gaarka ah oo ay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka lahaayeen arrimaha Soomaaliya ayaa lagu soo geb-gabeeyey Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka kaas oo diirada lagu saarey arrmo ay kamid yihiin Siyaasadda Amniga iyo doorashada la filayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan gaarka ah oo ay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka lahaayeen arrimaha Soomaaliya ayaa lagu soo geb-gabeeyey Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka kaas oo diirada lagu saarey arrmo ay kamid yihiin Siyaasadda Amniga iyo doorashada la filayo inay dhacdo 2020 2021.


Wakiilka Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa qudbad uu u jeediyay fadhiga Golaha Ammaanka waxa u ka warbixiyay Xaaladda Guud ee dalka Soomaaliya.

Swan ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayso xaalado adag sida Deyn Cafinta, doorashooyinka, ciidamada AMISOM oo ka baxaya dalka iyo arrimo kale.

Khubad ujeediyay Danjire James Swan, waxa uu ku dul istaagay dadaalka Dowladda Federaalka ay gelisay Hannaanka Doorashooyinka, isla markaana Qaramada Midoobay ay garab istaag u muujiyo.

"Sanadka 2020 wuxuu leedahay awood ay u noqon karto sanad isbedel ku keena Soomaaliya. Dhowr arrimood oo muhiim ah oo qaran ah ayaa la soo gabagabeeyey waxayna saameyn ku yeelan doonaan himilada Soomaaliya sannadaha soo socda ayuu yiri Danjire James Swan.

Ambassado Swan ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda caalamiga ah ay ku heshiiyeen ahmiyadaha ugu waaweyn ee ah in Soomaaliya ay ka dhacdo sanadka 2020 doorasho loo dhan yahay oo qof iyo Cod ah.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha Galmudug iyo Jubbaland waxana uu sheegay in loo baahan yahay in wadahadal lagu xaliyo khilaafka ka dhex jira labadaas maamul.

Danjire Swan ayaa sheegay in ciidamada ay dowlada federalka geysay gobolka Gedo ay sii sababtay xiisad ay dhaliso.

Waxa uu soo hadal qaaday inaysan kulmin Madaxweynaha dowlada federalka iyo Madaxda maamul goboleedyada muddo bilooyin ah,waxana uu xusay in loo baahan yahay in ay dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada khilaafaadka ka dhex jira wadahadal lagu xaliyo.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya in sidoo kale la sameeyay horumar la xiriira sharciyeynta muhiimka ah ee lagu xoojinayo qaab dhismeedka maaliyadda Soomaaliya, sida Sharciga Shirkadaha iyo Sharciga Maareynta Maaliyadda Dowladda. Miisaaniyadda 2020 ee uu ansixiyay baarlamaanku uuna saxeexay Madaxweyne Maxamed C / llaahi Maxamed ‘Farmaajo,kaas oo uu sheegay in uu ka tarjumayaa kobaca dakhliga ee joogtada ah ee dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip