Wadamada Soomaaliya iyo Baxreyn oo Yeelanaya Iskaashi Ganacsi "SAWIRRO"

0
Monday February 24, 2020 - 17:13:29 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 88
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadamada Soomaaliya iyo Baxreyn oo Yeelanaya Iskaashi Ganacsi "SAWIRRO"

    Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay ku wehelinayaan mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya, ayaa gaadhay wadanka Baxreyn, waxaana halkaas si weyn ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay ku wehelinayaan mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya, ayaa gaadhay wadanka Baxreyn, waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey oo ay kulan laba geesood ah wada-qaateen dhiggiisa dalkaasi Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Mudane Zayed R. Al Zayani.


Labada Wasiir waxay ka wada-hadleen siddii loo abuuri lahaa Ganacsi toos ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Baxreyn isla mar ahaantaana la isku furo suuqyada Ganacsi ee labada dal oo la helo khad Maraakiibeed iyo mid Duulimaadyo toosa ah. Waxa kale oo ay carabka ku dhufteen siddii Xoolaha, Kalluunka iyo Dallaga Beeraha Soomaaliya loo keeni lahaa suuqyada Baxreyn.

Wasiiradu, waxa kale oo ay isla-garteen in la helo is-afgarad u dhaxeeya labada Wasaaraddood oo la xidhiidha Ganacsiga Warshadaha iyo Iskaashiga Dhaqaalaha isla markaana la sameeyo guddi farsamo oo labada dhinac ah kana shaqeeya siddii loo abuuri lahaa xidhiidh Ganacsi iyo weli ba in la abuuro madal ay ku kulmaan Ganacsatada Soomaaliya iyo dhiggooda Baxreyn sidoo kale na la isku xidho Bangiyada Soomaaliya iyo kuwa Baxreyn si ay u fududaato hannaanka bixinta lacagaha badeecadahu maadaama ay Baxreyn tahay goobta kulmisa Baananka Bariga Dhexe.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigiisu, waxay intaas ka dib booqasho ku tageen Suuqa Saamiyada lagu kala iibsado ee dalka Baxreyn oo inta badan shirkadaha ku jiraa ay yihiin kuwo ay lee dahay Xukuumaddu sidoo kale na waxay booqdeen qeybo ka mid ah Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ee dalka Baxreyn gaar ahaan Waaxda Diiwaan-gelinta Shirkadaha Maal-gashiga iyo Waaxda Xakameynta tayada badeecadaha iyo Agabka Ganacsi ee dalka Baxreyn. Waxa kale oo Wasiirku uu booqday shirkadda Tenmou oo ah shirkad Maal-gelin ku sameysa fikradaha Ganacsi ee cusub gaar ahaantaan dhanka Tiknoolajiyadda Isgaadhsiinta, Dalxiiska iyo Duulimaadka.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ee dalka Baxreyn Mudane Zayed R. Al Zayani, ayaa qado sharaf u sameeyey dhiggiisa dalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigii uu hoggaaminaayey.

Ugu dambeyntii weftigan uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa hore socdaal shaqo ugu soo maray wadanka Cummaan oo ay ka soo wada-hadleen siddii labada dal ay xidhiidh Ganacsi u sameyn lahaayeen, waxaana ay isku soo af-garteen in labada wadan ay yeeshaan heshiis is-af-garad oo u dhaxeeya Wasaaradaha Ganacsiga Soomaaliya iyo Cummaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip