Bangiga Dhexe oo Digniin Culus Ka Soo Saaray Adeegsiga Shirkadaha Forex.

0
Monday February 24, 2020 - 14:14:07 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangiga Dhexe oo Digniin Culus Ka Soo Saaray Adeegsiga Shirkadaha Forex.

    Bankiga dhexe ee Somalia ayaa uga digay shacabka Soomaaliyeed iney ka fogaadaan maalgeshiga shirkadaha sarifka online-ka ah ee Forex oo mudooyinkan ku soo badanayey magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bankiga dhexe ee Somalia ayaa uga digay shacabka Soomaaliyeed iney ka fogaadaan maalgeshiga shirkadaha sarifka online-ka ah ee Forex oo mudooyinkan ku soo badanayey magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka.


Warqad ka soo baxday Bankiga dhexe ayaa lagu sheegay in shirkadahan aysan heysanin ruqsada bankiga dhexe, ayna yihiin shirkaddo khasaare xoogan u soo jiidi kara dadka maalgashada.

"Ma jiro Shirkado fasax ka haysta bangiga dhexe ee dalka oo ka ganacsada sarifka suuqyada caalamiga ah ee Forex.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalka Bankiga dhexe ayaa yimid ka dib markii qaar ka mid ah shirkadaha Forex ee ka shaqeeya Muqdisho ay sheegeen iney khasaareen, ayna lumiyeen hanti gaareysa boqolaal kun oo dollar taasoo ay lahaayeen dad Soomaaliyeed oo loo sheegay in faa’iido looga dhalinayo.

Bankiga dhexe ayaa horey u mamnuucay Shirkadaha Forex-ka, isagoo bankiyada dalka ku amray iney xiraan akoonada ay shirkadahan ka furteen, inkastoo go’aankan sidii loogu talo galay uusan u dhaqan gelin, ayna sii kordhayaan maalin walba shirkadaha ka shaqeeya forex-ka ee dadka ka ururinaya lacagaha.

Hoos ka akhriso qoraalka Bankiga dhexe:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip