Guddoomiye Mursal iyo Beesha Caalamka oo Ka Wada Hadlay Doorashada 2020-ka -Sawirro

0
Monday February 24, 2020 - 13:55:21 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Mursal iyo Beesha Caalamka oo Ka Wada Hadlay Doorashada 2020-ka -Sawirro

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa kulan la qaatay Wakiilo Ka Kala Socday UN, USA Iyo safiirada dalalka La isku yiraahdo Copenhegan Group oo ah safiirada dala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa kulan la qaatay Wakiilo Ka Kala Socday UN, USA Iyo safiirada dalalka La isku yiraahdo Copenhegan Group oo ah safiirada dalalka saaxiibka dhow la ah Soomaaliya.


Waxaa kulanka looga hadlayay Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan Dabayaaqada sanadkan 2020-ka.

Safiirada ayaa ku amaanay Baarlamaanka Soomaaliya howlaha ay hayaan ee la xiriira Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan sameynta sharciyada muhiimka u ah Doorashooyinka Dalka.

Sidoo kalena waxay amaaneen horumarada kala duwan ee ay gaartay Dowlad Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida uu sheegay Xoghayaha guud ee Golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip