Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Baydhabo -Sawirro

0
Sunday February 23, 2020 - 17:28:57 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Baydhabo -Sawirro

    Madaxaweynaha Koonfur Galbeed Mudane C/asiis Xasan maxamed Lafta gareen oo ay weheliyaan Qaar kamid ah Golihiisa wasiirada iyo Xildhibaano heer fedaraal ah oo deegaan doorashadoodu ay tahay koonfur galbeed ayaa maanta kor meeray Goroonka diyaaradaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxaweynaha Koonfur Galbeed Mudane C/asiis Xasan maxamed Lafta gareen oo ay weheliyaan Qaar kamid ah Golihiisa wasiirada iyo Xildhibaano heer fedaraal ah oo deegaan doorashadoodu ay tahay koonfur galbeed ayaa maanta kor meeray Goroonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo.


Madahaweynaha ayaa ugu horeen Xariga ka jaray qeyb ka mid ah Garoonkan oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Koonfur galbeed ay dayactir ku sameysay.

Qeybta dayactirka lagu sameeyay ayaa waxay ahaan jirtay meel Biyo Fariisin ah oo Dadka iyo Gaadiidka isticmaala Dhibaato badan ay ku qabeen laakin xilligan waxay u muuqataa mid sifiican loo dayactiray Waxaana la dhigay Dhagaxaanta loo yaqaaano interlog ama kabal istoon.

Madaxaweynaha ayaa intaasi kadib, Kor meeray Terminaalka cusub ee laga hago diyaaradaha ee la dhisayo,kaas oo dhismihii xilligan meel wanaagsan ay marayaan.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dawlad goballeedka Soomaaliyeed ee Koonfur galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay ayaa Sheegay in Wasaaraddiisu ay wado Qorsheyaal kor looga qaadayo kaabayaasha dhaqaalaha Koonfur galbeed.

C/casiiis Xasan Maxamed Lafta gareen, Madahaweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa si aad ah u ammaaney Howlaha baaxadda leh ee ay wasaaraddu u hayso Bulshada,waxaana uu ku dhiiragaliyey Wasaaradda iney sii laba jibaarto Shaqada shacabka u hayso.

Dawlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee koonfur galbeed uu hoggaamiyo madahaweyne C/asiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa wada qorsheyaal dib loogu dhisaayo goobaha danta guud ee ku burburay Colaadihii sokeeyey dalka ku habsadey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip