Xarun Labaad oo Hey'ada Socdaalka Ka Furatay Magaalada Muqdisho oo Xariga Laga Jaray -Sawiro

0
Sunday February 23, 2020 - 17:18:58 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 87
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarun Labaad oo Hey'ada Socdaalka Ka Furatay Magaalada Muqdisho oo Xariga Laga Jaray -Sawiro

    Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah xariga looga jaray xarunta labaad (2-aad) ee hey'ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Soomaaliya oo laga hirgaliyay Waqooyiga magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah xariga looga jaray xarunta labaad (2-aad) ee hey'ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Soomaaliya oo laga hirgaliyay Waqooyiga magaalada Muqdisho.


Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga kajaray xarunta labaad (2-aad) ee hey’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Soomaaliya oo laga hirgaliyay degmada Cabdicasiis.

Xaruntan cusub ee la daahfuray ayaa ah mid loogu adeegi doono bulshada caadimadda ku dhaaan gaar ahaan 8-Degmo oo katirsan gobolka Banaadir kuwaas oo kala ah Cabdicasiis, Kaaraan, Yaaaqshid, Shibis, Boondheere, Hiliwaa Shangaani iyo Xamar Weyne.

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya, korneyl Maxamed Aadan Koofi oo ka hadlay Munaasabadda ayaa xusay in furitaanka xaruntaan ay timid kaddib dalab uga yimid shacabka oo ahaa in la ballaariyo xarumaha hay’adda maadaama uu ciriiri badan ka jiray xarunta laga bixin jiray Baasaboorka,isagoo sheegay in xaruntaan ay hadda wixi ka dambeeya loogu adeegi doono bulshada ku nool 8 degmo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa hay’adda socdaalka ku boggaadiyay shaqooyinka ay bulshada u heyso, waxaa uuna sheeyay in tani ay kamid tahay dadaallada dowladdu ay ugu jirto in adeegyada loo dhaweeyo shacabka.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan dowladda,Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir,mudane Ibraahin Cumar Mahad Alle (Ibraahin Dheere) iyo masuuliyiin kale.

Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya ayaa horey Muqdisho ugu laheyd hal xarun oo kutaala gurigii hore ee Shaqaalaha waxaana xaruntaai adeegeeda dhibaato badan ku qabay shacabka ka kala yimaada degmooyinka kala duwan ee Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip