Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo Booqday Warshadaha ugu Waaweyn Dalka Cumaan -Sawirro

0
Saturday February 22, 2020 - 14:40:22 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo Booqday Warshadaha ugu Waaweyn Dalka Cumaan -Sawirro

    Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj Cabdullaahi Cali Xasan ayaa Maanta booqasho ku tagay xarumaha Wershadaha ugu waaweyn ee Dalka Cumaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj Cabdullaahi Cali Xasan ayaa Maanta booqasho ku tagay xarumaha Wershadaha ugu waaweyn ee Dalka Cumaan.


Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa waxaa booqashadiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan Wasaaradda Gacansiga Safiirka Soomaaliya u jooga Cumaan, Cabdiweli Cali Axmed (Jaylaani) iyo xubno kale.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ugu horreyn booqday Warshadda soo-saarta Saliidda iyo Warshadda soo-saarta sidoo kalena farsamaysa fiilooyinka xambaara Internet-ka laga isticmaalo Wadankaasi.

Wasiirka ayaa madaxda Warshadahan kala hadlay siddii ay u maal-gashan lahaayeen Soomaaliya, waxaana uu ku dhiiri-geliyey inay faracyo warshadahan oo kale ah ka furtaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu la kulmay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee Saldanada Cummaan Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Futaisi ahna guddoomiyaha shirkadda ASYAD oo ah shirkad maamusha Dekadaha iyo goobaha ganacsiga xorta ah.

Labada Wasiir ayaa waxay ka wada hadleen siddii ay iskaga kaashan lahaayeen ganacsiga Gaadiidka iyo sidii loo heli lahaa duulimaad toos ah oo isku xira Oman iyo Soomaaliya.

Waxay sidoo kale isla soo qaadeen siddii looga faa’ideysan lahaa marin Biyoodka isku xira Badweynta Hindiya iyo Badda cas oo uu maro ganacsiga ugu badan ee isaga goosha Qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub.

Wasiirradu, waxa kale oo ay ka wada-hadleen fursadaha maal-gashi ee ka jira Soomaaliya gaar ahaan Dekadaha iyo Garoomada Diyaaradaha Soomaaliya, waxanay isla garteen in Labada dhinac ay is-dhaafsadaan aqoonta iyo khibradaha la xiriira ganacsiga Gaadiidka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj Cabdullaahi Cali Xasan waxa kale oo uu la kulmay wakiilka Wasaaradda Beeraha iyo Kalluumaysiga ee Dalka Cummaan Dr Sacuud Bin Xamuud Bin Axmed Al-Xabsi.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada-hadlay siddii dalagga Beeraha iyo Kalluunka Soomaaliya loggu iib-geyn lahaa Dalka Cummaan iyo in ay iska kaashadaan sare-u-qaadidda tayada Kalluunka iyo dalagga Beeraha.

Ugu dambeyntii ujeeddada safarka Wasiirka ee Dalka Cummaan, ayaa ahayd siddii loo ballaadhin lahaa suuqyada loo iib-geyn karo badeecadaha Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa Suuqyo cusub oo loo iib-geyn karo badeecadaha Soomaaliya.

            




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip