Taliyaha Ciidanka Booliska oo Isbedal Ballaaran Ku Sameeyay Taliska Booliska Galmudug.

0
Saturday February 22, 2020 - 14:31:53 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 88
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Booliska oo Isbedal Ballaaran Ku Sameeyay Taliska Booliska Galmudug.

    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhammaan isbedal guud ku sameeyay Guud ahaan taliska Ciidanka Booliska maamulka Galmudug sidda gobolada iyo dhammaan degmooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhammaan isbedal guud ku sameeyay Guud ahaan taliska Ciidanka Booliska maamulka Galmudug sidda gobolada iyo dhammaan degmooyinka.


Qoraal kasoo baxay taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa isbadal balaaran lagula sameeyay taliska guud ee booliiska Galmudug, midka gobolada iyo Degmooyinka.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa taliye cusub u magacaabay booliiska Galmudug, waxa uu sidoo kale taliyaha booliiska Soomaaliya taliyaal cusub u magacaabay Gobolada Mudug, Galgaduud iyo degmooyinka labadaasi gobol.

Gaashaanle Sare Cabdikariin Xuseen Macalin ayaa loo magacaabay taliyaha qeybta guud ee booliiska Galmudug halka kuxigeenkiisa loo magacaabay Gaashaanle sare Maxamed Nuur Cali.

Waxaa uu sidoo kale taliyeyaal cusub uu Magacaabay taliska degmooyinka Dhuusamareeb' Caabudwaaq, Hobyo, Matabaan, Xeraale iyo Balamballe.

Halkan ka Ahhriso isbadalka lagu sameeyay taliyaasha booliiska Galmudug :-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip