Maamulka Somaliland oo Ka Hadlay Booqashadii Wasiirka Maaliyadda Dalka Itoobiya.

0
Saturday February 22, 2020 - 14:03:37 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Somaliland oo Ka Hadlay Booqashadii Wasiirka Maaliyadda Dalka Itoobiya.

    Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay booqashadii uu ku tegey magaalada Hargeysa Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Axmed Shidde.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay booqashadii uu ku tegey magaalada Hargeysa Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Axmed Shidde.


Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in booqashada Shidde aysan la xiriira wararka sheegaya in magaalad Hargeysa uu booqanayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

"Wafdiga wasiirka maaliyadda Itoobiya waxa uu ahaa mid salka ku haya xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada dal.”ayuu yiri Wasiir Saleebaan.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in mowqifka Somaliland ee imaanshaha Farmaajo uusan waxba iska bedelin.

Dowlada Itoobiya ayaa saami dhaqaale ku leh dekeda Berbera hase yeeshee dowlada Itoobiya ayaan ka hadlin booqashada wasiirkeeda Maaliyadda uu ku tegey magaalada Hargeysa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip