Madaxweynayaasha Dalalka Uganda iyo Rwanda oo Kulmaya Xadka Kala Qeybiya Labada Wadan.

0
Friday February 21, 2020 - 14:08:40 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynayaasha Dalalka Uganda iyo Rwanda oo Kulmaya Xadka Kala Qeybiya Labada Wadan.

    Madaxweyanaha Uganda Yoweri Museveni iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ku kulmaan magaalada ku taal xadka labada dal ee Katuna si ay u xaliyaan khilaaf muddo dheer jiitamayay oo u dhexeeya labada hoggaamiye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyanaha Uganda Yoweri Museveni iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ku kulmaan magaalada ku taal xadka labada dal ee Katuna si ay u xaliyaan khilaaf muddo dheer jiitamayay oo u dhexeeya labada hoggaamiye.


Labada hoggaamiye ayaa sanado badan ahaa kuwo saaxibo ah, waxaana mid walba kan kale uu ka caawiyay sidii uu Madaxweyne ugaga noqon lahaa dalkiisa.

Sanadkii 1986kii Kagame waxa uu ka mid ahaa dagaalyahanada mucaaradka ee uu hogaaminayay Museveni oo markii dambana xukunka la wareegay.

Ugu yaraan toban sano kadibna Museveni waxa uu gacan weyn siiyay oo uu taageeray jabhadii Rwanda ee uu hoggaaminayay Kagame markii dambena xukunka Kigali la wareegtay.

Sidoo kale labadan hoggaamiye ayaa iska kaashaday 1996dii sidii xilka looga tuuri lahaa Madaxweynihii hore ee dalka Jamhuriyada Congo ee Mobutu Sese Seko iyagoo talada dalka gacanta u galiyay Laurent Kabila.

Hase yeeshee xiriirka labada hoggaamiye ayaa sanadihii la soo dhaafay xumaaday si toos ahna uma kulmin muddo toban sano ah.

Kagame oo 62 sano jir ah ayaa ku eedeeyey saaxibkiisii hore Museveni, inuu taageerayo jabhadaha RNC iyo FDLR oo doonaya in xukunka kala wareegaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Uganda Museveni oo 75 jir ah ayaa ku eedeeyay saaxiibkiisii hore Kagame inuu farogelin ku hayo siyaasada dalkiisa ayna ciidamada Ruwanda gudaha u soo galeen dhulka Uganda ayna dad rayid ah ku laayeen.

Si kasta ha ahaatee labada hoggaamiye ayaa lagu wadaa in kulankooda maanta ay heshiis ku gaaraan ayna soo afjaraan colaada u dhexeysa mudada dheer.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip