Ciidamo Howlgal Ka Sameeyay Deegaano Ku Dhaw Dhaw Jamaame iyo Alshabaab oo isaga Baxay Jamaame -Sawirro

0
Thursday February 20, 2020 - 14:12:05 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Howlgal Ka Sameeyay Deegaano Ku Dhaw Dhaw Jamaame iyo Alshabaab oo isaga Baxay Jamaame -Sawirro

    Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo ay wehliyeen ciidamo katirsan Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howlgal qorsheesan waxa ay ka sameeyay deegaano ay maamulaan dagaalyahanada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo ay wehliyeen ciidamo katirsan Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howlgal qorsheesan waxa ay ka sameeyay deegaano ay maamulaan dagaalyahanada Al Shabaab.


Telefishinka maamulka Jubbaland ayaa baahiyay in ciidamada huwanta ah ay howlgal ka sameeyeen deegaano ku dhaw dhaw degmada Jamaame halkaas oo gacanta ay ku hayeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Mid kamid ah Saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa sheegay in hawlgalkan uu wali socdo, waxa uuna cadeeyay in howlgalka sii wadayaan ilaa laga sifeynayo Al-Shabaab guud ahaan deegaanada webiga Jubba ku teetsan.

Waxa uu sheegay sargalkan in howlgalka ciidanka sameeyeen Al Shabaab lagu gaarsiiyay qasaaro kala duwan, waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada wadooyinka qaar kasoo saareen miinooyin lagu aasay.

Dhnaka Kae Wararka naga soo gaaraya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay isaga baxeen dagaalamayaasha Alshabaab.

Ka bixitaanka Al-Shabaab ee magaalada Jamaame ayaa ka timid kadib markii ay meel ku dhow magaalada una jirta illaa 5km ay ciidamada dowlada tageen.

Taliyaha Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka G/le Sare Maxamed Badal Xasan oo la hadlay saxaafada ku hadasha afka ciidamada dowladda ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay gaari doonaan Jammaame.

Magaalada Jamaame ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee ay hore u haysteen ururka Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip