Kulan u Socdo Madaxweynaha Somaliland iyo Wafdi Ka Socda Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya.

0
Wednesday February 19, 2020 - 13:55:36 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan u Socdo Madaxweynaha Somaliland iyo Wafdi Ka Socda Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya.

    Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaaliyada Itoobiya Axmed Shide oo ka soo kicitimay magaalada Addis ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaaliyada Itoobiya Axmed Shide oo ka soo kicitimay magaalada Addis ababa.


Wasiirka ayaa waxa garoonka dayuuradaha magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Xubno wasiiro ah oo ka tirsan Somaliland, iyadoo wafdigan uu maanta kulan kula yeelan doono Qasriga madaxtooyada Somaliland Madaxweyne Biixi, isagoo u gudbin doona dhambaal uu ka sido RW Abiy Ahmed.

Ujeedka Safarka Wasiirka ayaa la sheegay iney tahay sidii loo dar-dar gelin lahaa xiriirka labada dhinac, iyo weliba arrimo la xiriira wadahadalada Somalia iyo Somaliland.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in kulankaasi looga hadlayo arrimo ku saabsan sidii Soomaaliland looga dhaadhicin lahaa inay ogolaato in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraajo uu tago Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay jeediyey khudbadda Madaxweyne ee sanadlaha ah ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in Madaxweynaha Soomaaliya oo yimaado Hargeysa.

Hayeeshee waxaa jirtay in Saacadihii la soo dhaafay ay soo baxayeen Wararka sheegaya in wafdi ay Itoobiya u direyso Magaalada Hargeysa si arrmahaas Madaxweyne Muuse Biixi kala hadlaan waxaana kulanka haatan ka socda Madaxtooyada uu yahay mid Saxaafadda ay banaanka ka joogto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip