Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Kheyre oo La Kulmay Xoghayaha Guud ee IGAD -Sawirro

0
Tuesday February 18, 2020 - 19:03:43 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Kheyre oo La Kulmay Xoghayaha Guud ee IGAD -Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-maamuuseed ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka, Xog-hayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-maamuuseed ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka, Xog-hayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu.


Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Xoghayeha cusub ee IGAD xilkan dhawaan loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ka miro-dhaliya qorsheyaasha heer gobol ee kor u qaadista iskaashiga, nabadda iyo horumarka dalal ku mideysan IGAD oo Soomaaliya ay ka mid tahay bud-dhigeyaasha ururkan.

Mudane Workneh Gebeyehu oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Itoobiya ayaa dhowaan loo magacaabay Xoghayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD isagoo bedelay Maxbuub Macalin oo ahaa Xoghayihii hore ee IGAD.

Dhanka Kale Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay xoghayaha maamulka urur gobaleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iy0 Dr. Workneh Gebeyehu ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimaha gobalka, guud ahaan xaaladda dalka iyo garab istaagga IGAD ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dr. Wrorkneh Gebeyehu oo socdaalkiisa uu dalka ku yimid uu ahaa booqashadiisii ugu horreysatay intuu uu ahaa xogyahaya IGAD ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhaweyta, waxuuna hoggaanka dalka ku bogaadiyay dadaalka iyo ka go’naashahooda hormuudka u noqday in horumar laga gaaro qorshaha dib-u-habeynta.

Soomaaliya ayaa kamid ah aasaasayaashii urur gobaleedka IGAD oo ay ku mideysanyihiin dalalka Soomaaliya Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Suudaan, Sudaanta Koonfureed iyo Uganda.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Image may contain: 5 people, table and indoor

Image may contain: 3 people, table and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip