Madaxweyne Farmaajo oo Raali Gelin Ka Bixiyey Dhibaatadii Loo Geystay Gobolada Woqooyi -Sawirro

0
Thursday February 13, 2020 - 18:23:57 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 43
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Raali Gelin Ka Bixiyey Dhibaatadii Loo Geystay Gobolada Woqooyi -Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya cadaaladda, horumarka, amniga iyo midnimada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya cadaaladda, horumarka, amniga iyo midnimada.


Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha Dowladda, gaar ahaan garsoorka in ay ilaaliyaan cadaaladda, dadaal muuqdana ay geliyaan sixidda kiis-dacwadeed kasta oo ay xaqooda ugu soo celinayaan muwaadiniinta la duudsiyey.

"Markii labo qof oo isdacweeyey uu garsooruhu eedda dusha ka saaro kii dulmanaha ahaa ee dhibbanaa, taas macnaheedu waa garsoorahaasi in aanu nabadda iyo xasilloonida ka shaqeyn.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in laga garaabo, lana toosiyo gabood-falladii horseeday in dad Soomaaliyeed ay maanta tirsadaan cadaaladd daro, waxa uuna soo jeediyey in wadajir la isu cafiyo, si dhidibbada loogu taago hannaan ku dhisan caddaalad loo dhanyahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa cafis weydiistey shacabka ku nool Somaliland isagoo xusay in dhibaatadii ka dhacday gobolada Waqoyi ay ahayd mid ay ka dambeysay nidaam dowli ah oo aysan ahayn Koofur oo ku duushay Waqooyi.

"Waxaa loo baahan yahay garoowshiyo. Wixii xumaa ee dhacay oo la iska cafiyo, dibna aan u saxno bog kasta oo madow oo taariikhdeenna soo galay. Dhibaatadii loo geystay walaalaha Gobollada Waqooyi ma ahayn mid ku saleysan Koonfur oo Waqooyi ku duushay iyo qabiil midna ee waxa ay ahayd hab dowladeed oo markaas jiray.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yiri "Anigoo ah Madaxweynihii Qaranka waxaan rabaa in aan cudurdaarkaas sameeyo oo raali-gelintaas aan gaarsiino walaalaheen reer Waqooyi. idinkuna aad ila qaadataan”

Munaasabaddu inta ay socotay, waxaa Madaxweynaha loo soo bandhigay nuxurka aragti wadaagga khuburada garsoorka Soomaaliyeed -heer Federaal iyo heer dowlad goboleed- oo ku saleysan tayeynta hannaanka cadaaladda dalka, caqabadaha ku xeeran, qorsheyaasha hirgalay iyo kuwa hortabinta u leh mustaqbalka dhow iyo kan dheerba.

Madaxweyne Farmaajo ayaa warkiisa ku soo beegmaya iyadoo aysan dowlada federalka si toos ah ugaga hadlin kulankii uu Madaxweyne Farmaajo kula yeeshay magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Image may contain: 2 people, people standing


Image may contain: 15 people, people standing, wedding, suit and outdoor

Image may contain: 1 person, smiling, standing, hat, child and outdoor

Image may contain: 5 people, people sitting and suit

Image may contain: 11 people, people sitting, people standing and indoor

Image may contain: 10 people, people sitting and indoor

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 3 people, people sitting, crowd and indoor

Image may contain: 2 people, suit

Image may contain: 14 people, people sitting and indoor

Image may contain: 4 people, suit and wedding

Image may contain: 2 people, people standing

Image may contain: 1 person, suit and text

Image may contain: one or more people, wedding and indoor

Image may contain: 12 people, people standing, suit and wedding

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip