Digniin Adag oo Loo Diray Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar.

0
Thursday February 13, 2020 - 13:26:09 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniin Adag oo Loo Diray Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar.

    Xaalada magaalada Kismaayo ayaa saaka ah mid degan, kaddib markii shalay iska hor imaad kooban uu dhex maray Ciidamada amniga Jubbaland iyo ciidan taabacsan C/naasir Seeraar oo ka mid ahaa Golaha Is bedel doonka Jubbaland, horayna taageerayaashiisa a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa saaka ah mid degan, kaddib markii shalay iska hor imaad kooban uu dhex maray Ciidamada amniga Jubbaland iyo ciidan taabacsan C/naasir Seeraar oo ka mid ahaa Golaha Is bedel doonka Jubbaland, horayna taageerayaashiisa ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland.


Ammaanka magaalada ayaa xalay si aad ah loo adkeeyay, waxaana ciidamada ay waddooyinka qaar ku hubinayeen gaadiidka, iyadoo xaalada magaalada ay aheyd mid caadi ah oo isu socodka iyo ganacsiga aanay wax saameyn ku yeelan isku dhacii shalay.

Iska hor imaadkii shalay ayaa ka dambeeyay markii ciidan taabacsan C/naasir seeraar ay isku dayeen inay ka gudbaan waddo ay xireen Ciidamada amniga oo ku guda jiray sugida ammaanka magaalada, xilli uu booqasho ku joogay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay dhabarka ka jebiyeen qorshe lagu khal-khal gelinayay amniga magaalada Kismaayo, isla markaana ay ka dambeysay dowladda Federaalka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in C/rashiid Xidig iyo C/naasir Seeraar ay khalalaaso iyo amaan daro ka wadaan magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in maamulka Jubbaland u dulqaadanayeen labadan siyaasi mudo lix bilood ah, waxa uuna tilmaamay Wasiirka Warfaafinta Jubbaland in markan uu ka dhamaaday dulqaadka ayna uga digayaan in mar kale khalalaase sameeyaan.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in labadan siyaasi ee ku sugan magaalada Kismaayo u adeegayaan dowlada federaalka Soomaaliya oo hada khilaaf kala dhaxeeyo dowlad goboleedka Jubbaland.

C/rashiid Xidig iyo C/naasir Seeraar oo labadaba ka mid ah Golaha is bedel doonka Jubbaland ayaa labadooda waxay si kala gaar gaar ah taageerayaashooda ugu doorteen Madaxweynaha Jubbaland, kaddib markii ay qaadaceen doorashadii Axmed Madoobe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip