Jubbaland oo Ciidamo Badan Geesay Duleedka Balad Xaawo iyo Dhaq Dhaqaaqyo Halkaasi Ka Socda.

0
Wednesday February 12, 2020 - 13:58:57 in Wararka by
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland oo Ciidamo Badan Geesay Duleedka Balad Xaawo iyo Dhaq Dhaqaaqyo Halkaasi Ka Socda.

    Wararka ka imaanaya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maamulka Jubbaland ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka geeyay duleedka degmada Balad Xaawo oo hada saldhig u ah ciidamadii Jubbaland ee ka baxay Balad Xaawo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maamulka Jubbaland ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka geeyay duleedka degmada Balad Xaawo oo hada saldhig u ah ciidamadii Jubbaland ee ka baxay Balad Xaawo.


Ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka oo ka tagay degmada Ceel Waaq ayaa la sheegay in ay ku biireen ciidanka Daraawiishta ee jooga duleedka Balad Xaawo, waxaana ciidankan cusub hogaaminayay sargaal lagu magacaabo Cabaas Gurey.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamadan uu hoggaaminayay Col. Cabaas Ibraahim Gurey oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Jubbaland ee horay uga qeyb qaatay dagaaladii Gobolka Gedo qeybo ka mid ah looga saaray Al-Shabaab.

Col. Cabaas oo shalay boqolaal ka tirsan ciidamada daraawiishta kula hadlayay Beledxaawo ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dhufeys isugu jiraan ciidankii Jubbaland iyo ciidanka Federaalka oo ahaa kuwii Al-Shabaab la dagaali lahaa, lagana dhigay inay cadaw isku yihiin.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Jubbaland ee ku sugan duleedka degmada Balad Xaawo ayaa halkaasi ka wada dhaq dhaqaaqyo ciidan, waxaana gudaha magaalada Balad Xaawo ku sugan ciidamo badan oo ka amar qaata dowlada federaalka.

Ciidamada Jubbaland ee isku aruursanaya duleedka Balad Xaawo ayaa horey uga baxay degmooyinka Doolow iyo Balad Xaawo kadib markii halkaasi gaareen ciidamo badan oo ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa ciidamo fara badan geysay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beledxaawo, kuwaasoo la wareegay ammaanka deegaanadaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip