Madaxweyne Axmed Qoor Qoor oo Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug -Sawirro

0
Tuesday February 11, 2020 - 17:02:42 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Axmed Qoor Qoor oo Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug -Sawirro

    Madaxwaynaha cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada maamul goboleedka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada maamul goboleedka Galmudug.


Shirka golaha Wasiirada ayaa looga hadlay xaalada ay mareyso Galmudug iyo tilaabooyinka loo baahanyahay in horay loo qaado sida Arimaha Amniga iyo adeegyada kale ee loo baahanyahay in lagu hormariyo maamulka Galmudug.

Sidoo kale Shirkan ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan, waxaana kamid ahaa amniga, horumarinta dhaqaalaha, dhameystirka Dastuurka heer Federaal iyo mid dowlad Goboleed iyo Siyaasadda qorsheynta iyo Iskaashiga.

Qaar kamid ah Wasiirada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan waxyaabaha u qabsoomay, waxa ay sidoo kale Madaxweynaha Galmudug iyo kuigeenkiisa warbixin ka siiyeen sida ay u shaqeeyaan Wasiirada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa faray golaha Wasiirada Galmudug in ay sii xoojiyaan shaqadooda, waxa uuna xusay in gaabsi mudooyinkii dambe ku jireen shaqada Wasaaradaha balse hada loo baahan yahay in la dar dargaliyo.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ay yeeshaan golaha Wasiirada dowlad goboleedka Galmudug tan iyo waxii ka dambeeyay markii hogaanka cusub ee Galmudug lagu doortay magaalada Dhuusomareeb.

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa shalay waxaa uu kulan la qaatey Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Galmudug,isaga oo kala hadlayay arrimo la xiriira wada shaqeyn iyo dib u heshiisiin.

Intaas kadib Shirka ayaa waxaa laga soo saaray War-saxaafadeed qornaa sidan:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip