Ilyaas Aadan oo Ka Hadlay Sababta Aan Loo Toogan Mid Ka Mid Ah Ragii Dilay Gabadhiisa.

0
Tuesday February 11, 2020 - 13:46:46 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilyaas Aadan oo Ka Hadlay Sababta Aan Loo Toogan Mid Ka Mid Ah Ragii Dilay Gabadhiisa.

    Waxaa saakay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu toogtay labo kamid ah sadexdii nin ee Maxkamadaha Puntland ku heleen in ay kufsi iyo dil u geesteen Caa'isha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar yar oo 13-sano jir aheyd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa saakay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu toogtay labo kamid ah sadexdii nin ee Maxkamadaha Puntland ku heleen in ay kufsi iyo dil u geesteen Caa'isha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar yar oo 13-sano jir aheyd.


Ilyaas Aadan oo ah Aabaha dhalay gabadha Dilka iyo kufsiga loo geestay oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay sababta saakay aan loo toogan mid kamid ah ragii xukunka dilka ah maxkamada sare ee Puntland ku riday.

Waxa uu sheegay Aabe Ilyaas Aadan in mudo 10-cisho ah dib loo dhigay xukunka dilka ahaa ee lagu fulin lahaa Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame waxa uuna tilmaamay in baaritaano iyo hubin dheeraad ah lagu sameenayo kiiska ninkaasi.

Aabe Ilyaas ayaa sheegay in codsi isaga ka yimid dib loogu dhigay fulinta xukunka ku dhacay Cabdisalaan Cabdiraxmaan balse uusan jirin go’aan maxkamadeed oo dib loogu dhigay fulinta xukunka ruuxaas horay ugu dhacay isaga iyo laba nin ee saakay la toogtay.

Caa’isha Aabaheed ayaa sidoo kale sheegay in saakay goob joog ka ahaa fagaaraha lagu tooganayay labada nin ee dilka iyo kufsiga u geestay gabadhiisa yar, waxa uuna tilmaamay in uu hubiyay in ragaasi la toogtay ayna geeriyoodeen.

"Maanta oo taariikhda tahay 11 Febraatom saaka 8-dii subaxnimo waxaa la qisaasay labo nin oo dambiilayaashi ahaa C/fataax C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige, qisaastaas waa ku faraxsanahay, nimanka Caa’isha dilay waa aqaanay, deris baa aheyn goobjoog baa ka ahaa qisaastooda, markii tiirka loo waday cafis ayay iga dalbadeen, markii ay dhinteen waa hubiyay dhuunta iyo gacanta ayaa ka taabtay”ayuu yiri Aabe Ilyaas.

Waxaa uu sheegay in kiiskan laga baran doono cashar xoog leh, isla markaana ku badbaadayaan gabdhaha Soomaaliyeed waxaana uu uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed dareenkii ay ka muujiyeen falkaas waxashnimada ahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip