Madaxweyne Farmaajo oo Wada Hadalo La Yeeshay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub -Sawirro

0
Tuesday February 11, 2020 - 13:24:10 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Wada Hadalo La Yeeshay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub -Sawirro

    Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL.


Labada Masuul ayaa waxa ay iska xog wareysteen horumarka ay Dowladda ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel, ayaa bogaadiyay horumarada dowlada federaalka ka sameesay hurumarinta Dhaqaalaha iyo sidoo kale dhinaca Amniga.

Waxa uuna u balan qaaday  Charles Michel in Midowga Yurub sii wadi doono taageerada iyo garab istaaga dowlada federaalka waxa uuna sheegay in Soomaaliya hada uu ka jiro isbadal weyn oo lagu faani karo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir doceedyo la yeelanayay Madaxda caalamka ee lagu casuumay shirka Midowga Afrika, iyadoo kulamo gaar gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaarayaasha Canada iyo Norway.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah deeq bixiyeyaasha ugu weyn ee Soomaaliya, waxaana ay dhaqaale fara badan ku bixisaa howlgalka AMISOM, mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya iyo arrimaha bani’aadanimada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip