Labo Ka Mid Ah Ragii Dilka iyo Kufsiga u Geestay Caasho Ilyaas oo Saakay La Toogtay.

0
Tuesday February 11, 2020 - 13:12:06 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo Ka Mid Ah Ragii Dilka iyo Kufsiga u Geestay Caasho Ilyaas oo Saakay La Toogtay.

    Maamulka Puntland ayaa saaka dil toogasho ku fulisay raggii loo xukumay kufsigii iyo dilkii ka dhacay magaalada Boosaaso, ee loo geystay Caa'isha Ilyaas oo aheyd gabar 13 jir ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland ayaa saaka dil toogasho ku fulisay raggii loo xukumay kufsigii iyo dilkii ka dhacay magaalada Boosaaso, ee loo geystay Caa'isha Ilyaas oo aheyd gabar 13 jir ah.


Fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu toogtay labo ka mid ah saddexda ruux ee horay lagu helay falkan kufsiga iyo dilka inay ka dambeeyeen.

C/fataax C/raxmana Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige ayaa saaka lagu fuliyay dil toogasho ah, halka qofka saddexaad C/salaan C/raxmaan Warsame 10 maalmood dib loo dhigay in la toogto.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha dib loogu dhigay xukunsanaha saddexaad in saaka la toogto lagu sheegay codsi ka yimid Maamulka Puntland iyo aabbe Ilyaas Aadan oo dhalay Caa’isha Ilyaas.

Raggan Saddexda ah ee loo heystay kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas Aadan ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii tagay ee 2019 waxaa Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku ridey xukun dil ah, iyadoo Maxkamadda Racfaanka ay ku raacday xukunkaas, kadib markii ay racfaan ka qaateen.

24-kii February sanadkii 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 13-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray, hayeeshee maalintii xigtay ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa agagaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba’an loo geystay, waxaana dhacdadaas ay noqotay mid Bulshada Soomaaliyeed badankood ay ka fal celiyeen.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn usoo dhaweeyay xukunka cadaalada ah ee lagu riday raga dilka iyo kufsiga isugu daray gabadha yar, waxaana falkan gabadhan lagula kacay si weyn uga carooday umada Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip