Xildhibaan Odawaa "Ra'iisul Wasaare Kheye Galmudug Wuu Kala Qeyb Qeybiyey"

0
Thursday January 23, 2020 - 13:10:25 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Odawaa "Ra'iisul Wasaare Kheye Galmudug Wuu Kala Qeyb Qeybiyey"

    Musharax Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Odawaa oo Xalay ka qeyb galayay Barnaamij Dood ah oo Telefishinka Somali Cable ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayuu kaga hadlay arrimaha cakiran ee xilligan ka taagan Galmudug, howsha maamul dhisidda iyo qors

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharax Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Odawaa oo Xalay ka qeyb galayay Barnaamij Dood ah oo Telefishinka Somali Cable ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayuu kaga hadlay arrimaha cakiran ee xilligan ka taagan Galmudug, howsha maamul dhisidda iyo qorshihiisa siyaasadeed haddii uu ku guuleysto.


Musharax C/raxmaan Odawaa ayaa sheegay in juhdigii Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda ku bixisay howsha Galmudug ay mira dhalkeeda noqotay Galmudug oo afar meel ku kala hoyaneysa.

"Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda juhdigii ay ku bixiyeen Galmudug laga soo bilaabo 24 June ee sanadkii hore illaa caawa wuxuu mira dhalkeeda uu noqday Galmudug oo afar meel ku kala hoyaneysa,Ra’iisul Wasaaraha wuxuu u yimid Hal Galmudug oo Xaaf hoggaamiyo, hada waxay maree 4 Galmudug, ma ugu daray mise waa uga roonaaday”ayuu yiri C/raxmaan Odawaa.

Waxaa uu sheegay in afarta Galmudug ay xilligan mareyso ay kala yihiin qeyb Xaaf horkacayo oo ku sugan Gaalkacyo, Dhuusamareeb oo ay ku kala sugan yihiin dhinacii dowladda iyo Guddoonkii cusbaa ee Galmudug, Musharaxiinta Mucaaradka iyo Ahlusuna oo dhinac ah.

Mr Odawaa ayaa sheegay in markii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha xilligii Cadaado ee la dhisayay Maamulka Galmudug ay soo xaliyeen intii badneyd caqabadihii jiray, balse ay u dhineyd oo kaliya hal caqabad oo aheyd Ahlusunadii fadhigooda ahaa Dhuusamareeb, hase ahaatee dowladda Federaalka ay xaalada Galmudug maanta ka dhigeen afar meel oo ay kala taagan tahay Galmudug.

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip