Afar Musharax oo Shaacisay in Aysan Ka Qeyb Galeyn Doorashada Madaxweynaha Galmuug.

0
Wednesday January 22, 2020 - 13:24:12 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Musharax oo Shaacisay in Aysan Ka Qeyb Galeyn Doorashada Madaxweynaha Galmuug.

    Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha ee ka soo horjeeda Musharaxa dowladdu wadato ayaa war murtiyeed ay Xalay soo saareen waxay ku caddeeyeen in aanay ka qeyb galeyn doorasho ay qabanayaan qeyb ka mid Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxwe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha ee ka soo horjeeda Musharaxa dowladdu wadato ayaa war murtiyeed ay Xalay soo saareen waxay ku caddeeyeen in aanay ka qeyb galeyn doorasho ay qabanayaan qeyb ka mid Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ee Shaley kala qeybsamay.


War murtiyeedka ay soo saareen Musharaxiinya kala ah Kamaal Gutaale, Cabdi Dheere, C/raxmaan Odawaa iyo C/llaahi Faarax Wehliye ayaa waxay sheegeen in dowladda Federaalka uu u afduuban yahay hannaanka doorashada Galmudug wax tixgelin ahna la siin heshiisyadii horay loo galay, isla markaana aan qiimeyn la siin tabashadii iyo codsiga Musharaxiinta.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa sheegay in aan la aqbali karin is doorashadi ay sameeyeen qeyb ka mid ah Guddiga doorashada iyo jadwalkii ay soo saareen.

Waxaa ay ugu baaqeen Guddoonka Baarlamaanka inuu u howlgalo dib u mideynta guddiga doorashada, lana joojiyo sharciyeynta in dhinac ka mid ah Guddiga loo afduubo howlihii Guddiga.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka ay soo saareen musharaxiintan:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip