Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Heshiis Kala Saxiixday -Sawirro

0
Saturday January 18, 2020 - 13:29:33 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Heshiis Kala Saxiixday -Sawirro

    Wasiirka Maaliyadda XFS wasiirka howlaha guud XFS iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisidoono magaalooyinka dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda XFS wasiirka howlaha guud XFS iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisidoono magaalooyinka dalka.


Heshiiska ay mausuliyiinta wada saxiixdeen ayaa magaalooyinka lagu dhisidoono waxa kamid ah Muqdisho Kismaayo Baydhabo iyo Garoowe iyadoo qeybta magaalada Muqdisho uga soo aaday ay tahay ku dhawaad 28-Milyan.

Wasiirka wasaarada Maaliyadda ee XFS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa sharxay heshiiskan iyo qaabka dhismo ee magaalooyinka dalka laga hirgalin doono waxaana uu sheegay in uu muhiim u yahay dhismaha Wadooyinka Burbursan ee Muqdisho.

Waxa uu sheegay Wasiirka in lacagtan magaalooyinka qaar lagu dhusi doono laguna fulin doono mashaariico horumarineed waxa uuna tilmaamay in magaalo walbo lacag gaar ah looga qoondeeyay.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa ka hadlay ahmiyada mashruucani ayaa xusay in maamulka gobolka Banaadir si wanaagsan ay ku hirgali doonaan Mashruucaan.

Wasiirka howlaha guud ee XFS mudane Cabdi Aadan Hoosoow waxa uu tilmaamay in dowlada federaalka Soomaaliya ay gudaha dalka kawado mashaariic kala duwan oo lagu horumarinaayo dib udhiska dalka.

Inta badan lacagaha loogu tala galay dib u dhiska dalka iyo in lagu fuliyo mashaariico horumarineed ayaan u fulin sidii la rabay waxaana lacagahaasi badanaa lagu bixiyaa waxyaabo aan wax tar badan laheyn kana qeyb qaadaneyn dib u dhiska iyo bilicda magaalooyinka.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip