Maamulada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed oo Shir uga Furmay Baydhabo -Sawirro

0
Tuesday January 14, 2020 - 14:49:02 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed oo Shir uga Furmay Baydhabo -Sawirro

    Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxaa si rasmi ah uga furmay Shirweyne u dhexeeya dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxaa si rasmi ah uga furmay Shirweyne u dhexeeya dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa Baydhabo Maanta ka furey Shir looga hadlayo Arrimo dhowr ah oo ku saabsan Maamulada Hir-Shabelele iyo Koonfur Galbeed.

Shirkaan oo ay Goobjoog ka yihiin Madaxweynayaasha labada Maamul iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Qosheynta Koonfur Galbeed & Midowga Yurub,waxaana diirada lagu saarayaa horumarinta Maamulada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed,isla markaana Shirka ay kaalin weyn ka qaadan doonaan Safiiro ka socda wadamada Midowga Yurub.

Madaxweyne laftagareen ayaa Maamulka Hir-Shabeelle iyo Xubnaha wafdiga Midowga Yurub uga mahad celiyey doorka weyn oo ay ku leeyihiin shirkaan,isaga oo sheegay in la xoojin doono wada-shaqeynta dhinaca amniga iyo horumarka ee labada maamul.

Mid kamid ah Safiirada Midowga Yurub ee shirka ka qeyb-galaya ayaa sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin inay dowlad Goboleedyada ka caawiyaan wixii ku saabsan arrimaha Amniga iyo horumarka.

Sidoo kale Shirkan ayaa looga tashan doona sidii xal waara loogu heli lahaa fatahadaha ay sameyaan wabiyada dalka iyo dadkii ay sameyeen fatahadihii ugu dambeyay.

Shirkaan oo socon doona muddo Labo maalin ah ayaa waxaa la filayaa in geb-gabada laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga hadley ee dhinaca horumarka iyo iskaashiga ka hortegida fatahaada Wabiga Shabeelle.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, wasiir dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaare Khasaare Xasan Cali Kheyre, Wasaaradda qorsheynta Dowladda Federaalka iyo Midowga yurub.












Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip