Madaxweyne Farmaajo oo Kulan La Qaatay Suldaanka Cusub ee Dalka Cumaan -Sawirro

0
Tuesday January 14, 2020 - 14:37:05 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Kulan La Qaatay Suldaanka Cusub ee Dalka Cumaan -Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka soo laabtay dalka Cumaan oo uu kaga qeyb galay tacsida Suldaan Qaabuus Binu Siciid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka soo laabtay dalka Cumaan oo uu kaga qeyb galay tacsida Suldaan Qaabuus Binu Siciid.


Madaxweyne Farmaajo ayaa Suldaanka cusub uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Suldaan Qaabuus Bin Siciid oo 10kii bishan January 2020 u geeriyooday Kansar hayay.

Madaxweynaha oo Suldaanka cusub ee Cummaan Haysam Bin Daariq kula kulmay Qasriga Saldanada dalkaas ayaa la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la qaybsanayaan murugada geerida Suldaan Qaabuus oo kaalin ka qaatay gurmadka shacabkeenna wakhtiyadii adkaa.

"Madexwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay Suldaanka Haytham Binu Taymuur geeridii ku timid Suldaan Qaabuus” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Suldaanka cusub ee dalkaas Suldaan Haysam Binu Daariq in uu sii amba-qaado dhaxalkii horumarineed ee uu ka tagay Suldaanka geeriyooday, isagoona sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya walaalahooda dalka Cumaan.

Dhankiisa, Suldaan Haysam Bin Daariq ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo qayb-galka tacsidan iyo in maalmahan murugada leh ay garab istaageen shacabka iyo dowladda Cumaan.

Inta badan Hoggaamiyayaasha Carabta iyo Islaamka ayaa ka tacsiyeeyay geerida Suldaan Qabuus oo dalkaas maamulayay mudo ku siman 50 Sano, iyadoo la filayo inuu Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galo kulan weyn oo duco ah.

Suldaan Qaabuus ayaa dalkiisa Cumaan ka dhigay mid kamid ah wadamada ugu muhiimsan ee dhaca Bariga Dhexe, isagoo aan waligiis guursan mudadii uu hayay talada wadankaasi.

Sanadkii 1970kii ayuu afgambiyay aabihiis oo ahaa suldaanka Cumaan waxaa meydkiisa lagu geeyay qabriga Gaarigii uu u adeegsaday afganbigii aabihii 50 sano ka hor.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip